Guddoomiye Baashe oo Bulshada Sool ku Guubaabiyey Inay Codkooda Siiyaan Muuse Biixi

0
323

Laascaanood (Dawan)-  Guddoomiyaha  cusub Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Baashe Maxamed  Faarax, ayaa kula dardaarmay bulshadda gobolka Sool in ay codkoodda siiyaan Murrashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, marka la gaadho doorashadda madaxtooyadda.

Waxaanu ku guubaabiyay  dadweynaha gobolkaasi in ay si weyn ugu soo baxaan qaadashadda kaadhka codbixinta, isla markaana tiradii markii hore waraaqaha qaadatay aanay imika hoos uga dhicin, isla markaana aanay dayicin fursadda ay haystaan si  ugu hiiliyaan madaxda mustaqbalka ee dalka xukumi doonta.

Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sidan ka sheegay  khudbad uu  shalay u  jeediyay dadweynaha tuulladda Kala-baydh ee gobolka Sool, halkaasi oo  wefti uu hogaaminayo Murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye lagu soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada oo faahfaahin ka bixinayay tiradda markii hore iska diiwaangelisay degaamadda gobolka Sool, waxa uu yidhi  “Laascaanood waxaa markii hore iska diiwaangeliyay  dad tiradoodu tahay  8700 oo qof.  Degaanka Xidh-xidh waxaa iska diiwaangeliyay 3400 oo qof,   Kala-baydh waxaa iska diiwaangeliyay 4100, Karin iyo Qoriile-na waxaa iska diiwaangeliyay 3000 oo qof, meello kale oo badana way jiraan.

Waxaan marti idiinka ahay, waraaqihii aad qaadateen in aanay khasaaroobin,  oo sidii aad markii hore u aad u  qaadateen imikana  u qaadataan, taasi  Hiil ayay ii tahay ee iigu hiiliya”.

Waxaanu intaa ku daray  “Hiilka kale ee aan idiinka baahanahay waxa weeyi,  waxaa nala socda musharaxii jagadda madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, oo aan rejaynayo in uu saddex bilood dabeed fadhiisan doonno kursiga madaxweynaha.  Waxaan magan idiinka ahay in aad ii balan qaadaan xisbiga Kulmiye in aad codka siinaysaan, sidii aad hore-ba  u siiseen”ayuu yidhi Baashe.

 

Dhinaca kale Baashe Maxamed Faarax,  waxa uu ka hadlay wada hadaladda u socda dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo,  gaar ahaana qodob ka mid ahaa heshiiskii Hargaysa lagu gaadhay ee ahaa in dastuurka Somaliland la furro.

Hase yeeshee guddoomiye Baashe, ayaa shacabka reer Laascaanood ugu bushaareeyay in laga fiirsanayo arrintaasi, maadaama oo sida uu sheegay beesha gobolka Sool ay saami laxaad leh ku leedahay xukuumadda hadda.  “Wada hadallo ayaa u socda dawladda Somaliland  iyo maamulka Khaatumo. Khaatumo waxay codsadeen in dastuurka jamhuuriyadda Somaliland la furro.

Qollo  ayaa ila kafdantay oo waxay igu yidhaahdeen haddii aad guddoomiyihii baarlamaanka qaadateen, oo wasiirkii arrimaha gudaha qaadateen,  wasiirkii caafimaadka qaadateen, oo wasiirkii biyaha haysataan, haddii dastuurka la furro biloo daalac la idinku yeeshaa. Arrintaa  (dastuur-furista), waan ka fakaraynaa wixii maanta ka danbeeya  in aan daalac la inoo raacin, ee  taas ku bushaaraysta”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

 

Ugu danbayn guddoomiyaha golaha Wakiillada ayaa tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo ay ka go’an tahay in uu xukunka ka tago iyadoo ay gebi ahaanba bulshadda goboladda Somaliland midaysan yihiin.Waxaannu yidhi “Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu rabaa in uu ka tago Somaliland oo mid ah, oo walaallo ah,  oo aanay wax u dhexeeyaa jirin. Waxaynu ka wada shaqaynaynaa in aynu oofinno Cah-digaa  uu madaxweynuhu galay, ee ah in dadkan la walaaleeyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply