Daadad ku soo Rogmadey Siraalyoon oo ay ku Dhinteen Boqolaal Qof

0
399

In ku dhaw 400 oo qof ayaa la sheegayaa  inay geeriyoodeen, maalin kadib markii caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown ay dabooleen daadad culus iyo dhooqo, waxaana saraakiisha ay sheegeen in dhimashada ay kordhi karto iyada oo la la’ yahay  boqolaal kale.

 

Madaxweynaha Siralyoon Ernest Bai Koroma ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loogu gurmado kumanaan qof oo ay saameysay dhibaatadani.

 

Musiibadan oo dhacday xilli hore oo maalintii Isniinta ahayd ayaa ka dhalatay saacado ay da’ayeen roobab xooggan.

Goobjoogeyaal ayaa ku qeexay magaalada, gaar ahaan xaafadda sida aadka ah ay dhibaatada u saameysay ee Regent, waddooyin ay buuxiyeen webiyaal dhooqo ah.

Ugu yaraan 2,000 oo qof ayey musiibadan guryo la’aan ku riday.

Ehellada ayaa qodaya dhiiqada, ayaga oo raadinaya dadkoodii ay jeclaayeen, ayada oo ciidamada milatarigana la geeyey magaalada si ay uga qeyb galaan holwgalka badbaadinta.

Sawirro iyo muuqaalo ay baahiyeen dadka deegaanka ayaa muujinaya dad illaa xabadkooda ay dabooshay dhiiqada oo isku dayaya inay gooyaan waddooyinka.

Afhayeen u hadlay hay’adda laanqeyrta cas ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inay tiriyeen dhimashada ugu yaraan 312 qof.

 

Leave a Reply