Golaha Abwaannada Somaliland oo Tallo u Jeediyay Golaha Wakiillada

0
397

Hargeysa (Dawan) Golaha  abwaannada  Somaliland  ee Mus-danbeed, ayaa tallo waayeelnimo u diray golaha Wakiillada Somaliland kuna waaniyay in ay isu tanaasulaan oo ay ka fgaadaan wax kasta oo dalka iyo dadka aan u wanaagsnayn

Waxaanay golaha Abwaanada Somaliland si nasteex ah uga talo bixiyeen in loo baahan yahay in dhaqankii wanaagsanaa ee Somaliland ku soo caano maashay ee ahaa isu tanaasulka iyo is maqalka ee arrimo badan oo tan ka cuslaa kana waawaynaa lagu dhameeyay lagna xalliyay in muranka guddoomiyenimada golaha wakiilada  Golaha ka taagana in lagu dhameeyo oo sumcadda Somaliland iyo sku duubnida qarannimada sidii loo wada ilaalin jiray loo ilaaliyo.

Golaha Abwaanada Somaliland ee Musdambeed oo ay u hadleen Abwaanada Maxamed Aadan Dacar,Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan Genay,Fannaan Cumar Xasan Rooraaye iyo Afhayeenka ururka Mus-dambeed ee golaha Abwaannada Wariye Maxamed Xasan Cali Waji.ayaa ku taliyay in Xildhibaan Baashe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle looga baahan yahay in ay isu tanaasulaan oo ay si niyad sami ah oo aan turxaan lahayn in ay  arrinta u dhameeyaan oo aanay dadka wax dambe o naxdin ku ah maqashiin.

Afhayeen Waji oo ugu horrayn arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi  “Waxaa na soo kiciyay maanta(shalay) arrin aad cidi naga xigin wax ka qabashadeeda, waana ta ka taagan golaheena wakiilada dhexdiisa oo aanu in muddo ah eegeynay, caalamkana meel walba waxaa inoo martay inaynu nahay , ummad is ogol, wada tashata isku kalsoon, ummad hawl kasta oo ku timaada ALLEHEEDA la kaashata iyo cududeeda iyo maankeeda la tashata kagana baxda, mashaakil tan ka waaweyn ayaynu la kulanay oo aynu ALLE u talo saaranay oo awoodiisa  kaga baxnay tanoo kalena waxaanu rajeynynaa in aynu kaga baxno”

Waxaanu afhayeenku isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray  “Golaha wakiilada  waxaanu leenahay si wanaagsan ayaad yeesheen mar hadii aad isu tagteen oo aad guddi sameyseen, hase ahaate laba arrimood ayaanu idin fareynaa, 1-ragga is haya waxaanu leenahay gudida aad dirateen waxay gooyaan ku kalsoonada haddii guddi la diro oo waxa ay soo gooyaan la maqli waayo waxba tarimeyso gudiduna waa ay wanaagsan yihiin ee wixii ay gooyaan ku kalsoonaada wixii ay soo gooyana maqla ummadiinuna sidaasi ayay idinku jeclaaneysaa, 2- gudidana waxaanu leenahay annaga oo dhan ayaa indhaha idinku heyna ummada Somaliland oo dhan ayaa idin wada eegeysa, ha moodina inaad keligiin makhsin galeysaan guddi sharaftii guddi lahaa laheyd waad tihiine sharaftiina ilaashada”

Abwaan Maxamed Aadan Dacar,ayaa saguna talo usoo jeediyay Baashe iyo Talyanle kuna boorriyay inay isu tanaasulaan oo aan la maqlin wax dambe oo dadka ka nixiya “Waxaanu leenahay golahaa Baarlamaanka ee ah golahayagii aanu ku dhaadanenay dalka xoog kumeynaan wada socon waxaa la odhan jiray golayaasha ayaa marka uu waddanku qasmo kala saara, ninbaa yidhi waar haddaad baqataan xaga masaajidka u soo yaaca midbaa yidhi adeer haddii masaajidka dhexdiisaba qaylo ka dhacdo xagee ayaanu qabana nimankii baarlamaanka ee la lahaa iyaga ayaa ummada u kala gurman doona, markaanu tanoo kale maqalo waanu yaabaynaa, markaa waxaanu leenahay walaalayaal dalka weynu wada leenahay, xukunka weynu wada leenahay wixii idinka idin dhiba anana wuu na dhibayaa, yaan la maqlin wax dambe oo dalka iyo dadka ka nixiya isuna tanaasula si wanaagsan ku dhameeya cadaaladana ku dadaala”

Abwaan Xasan Xaaji  Cabdillaahi (Xasan Ganey) ooisna talo dhaxal gal ah u soo jeediyay golaha wakiilada ayaa yidhi.  “Mar waanu naxney oo waxaanu naxney markii la yidhi wey is heystaan, mar labaadna waanu faraxney oo markii la yidhi hadana qaladkii ayay saxanayaan oo guddi ayay iska soo saareen waanu faraxnay, mar saddexaadna waanu faraxnoo war aanu xalay(habeeb hore) dhageysaney aad iyo aad ayaanu ugu faraxnay waxanu idinka rejaynaynaa in wax dadka iyo dalka iyo qarankaba u dan ahi halkaasi ka soo baxaan oo magac iyo sharaf aynu ku yeelano sharci dejintii waddanku waa idinka cidda aanu ku hiraneynaana waa idinka waxaanu idinka sugnaana waa warsan iyo weedhsan”

Ugu dambayn Cumar Xasan Rooraaye  oo hadalka soo afmeeray ayaa yidhi  “Golaha wakiilada waxaan ku hambalyeynaynaa gudida ay u saareen xalinta khilaafaadka dhexdooda, walaalayaal mudanayaal is qadarintiinu ha badnaato, ixtiraamka dhexdiinuna ha badnaado isu tanaasulkiinuna ha badnaado”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply