Somaliland oo Dawladda Xamar uga Digtay Inay soo Faro-geliso Xeerarkeedda Is-gaadhsiinta

0
408

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda  Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa  ka hadashay xeerka lagu maamullo  is-gaadhsiinta oo   ay  dhawaan  ansixiyeen  baarlamaanka   dawladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay sheegtay in aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin.

 Wasiirka wasaaradda Boostadda iyo Is-gaadhsiinta jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Faarax Abraar, oo shalay  warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Hargaysa, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland ay u madax banaan tahay xeerarka ay ku maamusho is-gaadhsiinteedda. 

  “Wasiirka Boosaha Soomaaliya wuxuu dhawaan soo saaray  xeerka  is-gaadhsiinta, kaasi oo uu sheegay in Somaliland-na ay qayb ka tahay.   Waxaan leenahay wasiirka  boosaha Soomaaliya, Somaliland waa dal u madax banaan xeerarkeedda iyo shuruucdeedda, waxaanay leedahay goleyaal sharci-dejin ah oo soo saara shuruucdeedda”ayuu yidhi Mustafe Faarax Abraar.

Wasiirka Boosaha iyo is-gaadhsiinta Somaliland ayaa uga digay dawladda federaalka Soomaaliya in ay wax farro-gelin ah ku soo samayso sharciyadeedda dhinaca is-gaadhsiinta. Waxaanu yidhi “Waxaan uga digaynaa dawladda federaalka Soomaaliya in ay wax farro-gelin ah ama gaco-jug layn ah ay noola yimaadaan, sharcigayaga ayaanu ku maamulnaa is-gaadhsiintayadda.  Wasiirka Boosaha Soomaaliya Xamar, waxaan leeyahay    ayaad is-gaadhsiinteedda xukuntaaye,  Xamar  uun ku ekow”.

 Geesta kale wasiirka boosaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay maxkamadda sare   ee Somaliland ka soo saartay  muranka ka  dhashay doorashaddii guddoomiyaha golaha Wakiiladda.   “Waxaan soo dhawaynayaa go’aankii ay maxkamadda sare ka soo saartay murankii baarlamaanka. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa  xildhibaanadu siday u qaateen go’aankaasi ahaa in ay iyagu dhexdoodda xaliyaan khilaafkaasi”ayuu yidhi wasiirku.

Sidoo kale wasiirka boosaha ayaa  ku eedeeyay in ay sharaftii iyo magacii bulshadda Awdal meel kaga dhaceen xildhibaano hore uga tirsanaa  xisbiga Kulmiye oo dhawaan sheegay in ay ka baxeen xisbigaasi. Waxaanu yidhi “Waxaan si gaar ah  isku dul taagayaa  xildhibaanadda reer Awdal, waxaanan leeyahay Ragg  qawl  baa xidha, dumar-na meher baa xidha.

Xildhibaanku   xisbiga  uu  doonno  in uu  gallo  wuu  u madax banaan yahay, in ninka uu rabo uu u codeeyana wuu u madax banaan yahay,  laakiin waxaan meesha qaban  in aad kolba cid balan la gashaan.  

Waa in ay ogaadaan in ay huwan yihiin sharaftii gobolka  iyo  magacii dadkii  soo doortay. Waxaanan leeyahay wax u tudha.  Reer   Awdal   sidaas ma aha,  waa dad qawl leh, go’aana  leh,  waana dad siyaasadda cidii ay raacaan la socda oo ku tiirsan, balse aan kolba dhinac u cararin”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply