Xaaska Mugabe oo ka Baaqatay inay Hor tagto Maxkamad ku Taala Koofur Afrika

0
406

Xaaska madaxweynaha Zimbabwe, Grace Mugabe ayaa ka baaqatay in ay ka  soo muuqato  maxkamad ku taala magaalada Johannesburg kadib markii sida la sheegey ay u gacan-qaaday haweeney 20 jir ah.

Wasiirka booliiska Koonfur Afrika Fakile Mbalula ayaa sheegey in aysan xabsi ku jirin Grace maadaamaa ay adeecday amarada booliiska, balse la soo taagayo maxkamad .

Booliiska ayaa xaqiijiyey in Grace ay kasoo dacwootey haweeney 20 jir ah, taasi oo sheegtey in ay dhaawac gaadhsiisey xaaska Mugabe.

Grace Mugabe ayaa la sheegey in ay u gacan-qaaday haweeneydan oo ah kuwa dharka xayaysiiya kadib markii ay u tagtay iyada oo booqaneysa  wiilal ay dhashay oo ku jirey hoteelka Capital 20 West ee xaafadda Sandton habeenkii axadda.

Garyaqaan u hadlay wasaaradda arrimaha dibada Koonfur Afrika ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegey in sharciga xasaanadda diblumaasiyadeed uusan difaacaynin Grace maadaama aysan ka mid ahayn dowladda Zimbabwe, oo kaliya ay tahay xaaska madaxweynaha.

Wasiirka warfaaafinta Zimbabwe Christopher Mushowe ayaa sheegey in uusan ka warhaynin eedeymaha loo jeediyey xaaska madaxweyne Mugabe.

Grace ayaa la sheegey in ay Koonfur Afrika u joogtay sababo la xidhiidha caafimaad, iyada oo dooneysay in ay iska daweyso dhaawac kasoo gaadhay anqowga bishii hore shil gaadhi oo ay gashay awgiis.

Leave a Reply