Hargaysa (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in aan wax wadahadal iyo gorgortan ah laga gelin karin sharcinimadda doorashadii guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki), xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye iyo xildhibaan Farxaan Maxamed Cali, oo shalay si wadajir ah shirjaraa’id ugu qabtay magaaladda Hargaysa, waxay ku doodeen in ay sharci tahay doorashadii lagu doortay guddoomiyaha cusub.
Sidoo kale xildhibaanadaasi waxaanay soo dhaweeyeen go’aankii ay maxkamada sare ee Somaliland ka soo saartay khilaafkii ka dhashay cod kii lagu doortay guddoomiyaha golahaasi.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ugu horayn arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Go’aankii golaha Wakiiladu ku doortay guddoomiyaha cusub Baashe Maxamed Faarax, ayay diideen waanu aamusnay.
Dabadeed-na maxkamadda sare ayay geeyeen, waanan ka aamusnay maxkamada sare waxay soo saartay go’aan ay ku Ayidayso go’aankii golaha. Kadib markii ay u cadaatay maxkamadda sare in doorashadii golaha Wakiilladu ku doorteen guddoomiyaha golaha ay u dhacday si waafaqsan xeer hoosaadka golaha.Waxaanay noola muuqatay in aanaan ka aamusi karin af-lagaadadda ay maxkamada sare kula hadleen. Markay af-lagaadaynayaan halkii ugu saraysay ee iyagu ay tageen.”
Waxaanu intaas ku daray “Af-hayeenka xisbiga Waddani isla markaana ah xildhibaan wuxuu ku hadlayay waad arkayseen waxaanan uga tacsidaynayaa shacabka Somaliland qaabkan ay u hadlayaan. Haddii ay diidan yihiin go’aankii golaha Wakiiladda iyo go’aankii maxkamadda sare maxaanu kala hadlaynaa? oo taladoodu ku go’an tahay ‘Cad yahaw ku cunay ama ku ciideeyay,” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi.
Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Waxay ahayd in laga wada shaqeeyo sidii golaha la isagu soo dhawayn lahaa, may ahayn in laga wada hadlo doorashadii guddoomiyaha golaha Wakiiladda lagu doortay iyo go’aankii maxkamadda sare. Labadu-ba waa sharci, waxaanan leeyahay12 (laba iyo toban) sano ayaan soo joognay golaha, xumaanta aan iska dayno, aynu ka wada shaqayno sidii aan golaha u hagaajisan lahayn”.
Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki), ayaa isna sheegay in maxkamada sare ay cadaysay in xeer hoosaadka golaha Wakiiladda ay waafaqsan tahay sidii loo doortay guddoomiye Baashe. “Doorashadii guddoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, xildhibaano ayaa buuq ka keenay oo ka hadlay, maxkamadda sare ayaanay dacwad u gudbiyeen xildhibanadaasi. Maxkamadda sare go’aan ayay ka soo saartay dacwadoodii, go’aankaasi golaha Wakiiladu ku doortay guddoomiyaha cusub oo ay ku Ayidayso in doorashadii ay sharci tahay, oo loo maray xeer hoosaad kii golaha.
Waxaana jirta in guddoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, aanu ka codsanay in uu muddo toba cisho ah dib u dhigo fadhiga golaha. Arrintaasina waxaa nagu kaliftay in aanu ka hadal-no xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda oo laba Shaadhle ah. mar-na huwan golaha mar-na huwan xisbiga Waddani oo ka hadlay go’aankii maxkamadda sare”.
Sidoo kale xildhibaan C/laahi Balaaki, ayaa ku eedeeyay xildhibaanadda Waddani ee diidan doorashadii golaha iyo go’aankii ay maxkamadda sare ka soo saartay in macnaheedu yahay dal ma jirro. “Waxaan umadda u cadaynaynaa in xildhibaanada naga soo hor jeedaa ay ka soo hor jeedaan, oo ay diidan yihiin go’aankii golaha iyo go’aankii maxkamada sare. Ninka diidan go’aankii golaha iyo go’aankii maxkamada sare muxuu doonayaa? maxaa laga wada hadlayaa haddii aanay meel-na ku qanacsanayn? ninka leh maxkamadi ma jirto, miyaanay ahayn dal-ba ma jiro? Beri-na wax ka weyn ayaa ka soo socda. Waxaan leenahay qaran dumisnimadda aad wadaan dalka ka daaya”.
Ugu danbayn xildhibaan Farxaan Maxamed Cali, ayaa tilmaamay in maxkamada sare ay cadaysay sharcinimadda guddoomiyenimadda Baashe Maxamed Faarax. Waxaanu tusaale ugu soo qaatay xildhibaanadda Waddani ee diidan guddoomiyenimadda Baashe in ay la mid yihiin hogaamiyaha mucaaridka Kenya oo sheegtay in uu isagu yahay madaxweynaha la doortay.
“Guddoomiye Baashe sidaas ayuu sharci ku yahay, wixii intaa ka danbeeyaana waa xag-xagasho. Waxaanay la mid noqonayaan saaxiibaday Ra’ila Odinga (hogamiyaha mucaaridka Kenya) ee yidhi anigaa helay doorashadii ka dhacday Kenya.
Codka wax lagu dooranayo ma golaha Wakiiladda ayaa laga soo ogaadaa mise suuqa? waxaanan leeyahay wixii golaha ka dhiman, aan dhamaystirno. Waxaynu wada hadli karnaa markaad ogolaataan sharcinimadda guddoomiyaha golaha. Laakiin haddii aad ku muransan tihiin guddoomiyenimadda Baashe, ee maxkamada sare sharciyaysay goluhu-na doortay, maxaan ka wadahadlaynaa?” ayuu yidhi xildhibaan Farxaan.
Dawannews Hargeysa office