Guddoomiyaha UCID oo ka Digay Dhaqamo Xisbiga WADDANI ku soo Kordhiyay Siyaasadda Dalka

0
355

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay  caado xun oo aanay Somaliland dhaqan u lahayn uu xisbiga WADDANI ku soo kordhiyay saaxadda siyaasadda Somaliland.

 

Guddoomiye Faysal waxa uu tilmaamay  haddii  ay dhaqan gasho in la sameeyo laba guddoomiye baarlamaan ay  dhici karto in sunne xumi ka hirgalo  waddanka. Waxaannu sidaasi ka sheegay waraysi uu siiyay  ERYAL TV oo uu uga xog waramay safar uu ku tagay gobollada Sool iyo Sanaag oo ay ka socoto kaadhadh qaybintii codbixiyeyaasha, waxaannu yidhi;  “Waa nasiib-darro arrinta maanta xisbiga Waddani innagu bilaabay waxaan dhaqankeenna ahayn ayuu Waddani innagu soo abuuray oo ah laba guddoomiye baarlamaan, albaabkaasi haddii uu innagu furmana waa halis haddii  waanu hambalyaynaynaa hadii yidhaahdeen waxan ay la yimaadeen ee dambe  waa caado xume waxaan leeyahay  waar dib iskugu noqda,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal, waxaannu intaas ku daray;  “Waxaanan jecelahay gudidaasi inay caqliga ka shaqeysiiso oo si nidaam leh oo nadiifa u dhammayso oo caalamka oo dhanba innagula yaabay waxan  ha laga waantoobo ilayn barina laba madaxweyne ayaa soo bixiye, arrinta doorashada guddoomiyaha wakiillada  ha la isu  tanaasulo  wixii  la  dhammeeyay  in la soo celiyo maaha.”

 

“Waxa la murmaa markaan la tahniyadayn ninka la yidhaaho Raila Odinga muu tahniyadayn oo milyan baa lagaga helay,  waxaannu yidhi ‘ma ogoli, laakiin saqda dhexe ayaan kacayaa oo sidii dadkii argagixisada ahaa ee intay god madow galaan iska soo qaban jiray muuqaalka aad baan uga xumahay in Cabdiraxmaan Talyanle arrintan lagu kalifo, raga waxan ku kalifayna waan ogahay oo waa niman  rag u muuqdaan oo aanu dalku u muuqan, ficil iyo hebel ku xumeena u galay ayaa arrintan keenay,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Guddoomiyuhu waxa kaloo uu intaas ku daray in dad gaadhaya illaa saddex boqol oo kun oo qoys ay ku caydhoobeen  abaarihii ka dhacay gobollada bariga Somaliland horaantii sannadkan. Waxaannu ka deyriyay xaaladda nololeed ee dadkaasi oo uu  caddeeyay  in intooda badani ay yihiin carruur iyo haween.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply