Xukuumadda oo Shaacisay in la Xalliyey Cabashadii Ganacsatada Wax Kala soo Degta Dekedda Berbera

0
340

Hargaysa (Dawan)-  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee jamhuuriyadda Somaliland,   Cumar Shucayb Maxamed, ayaa  ka hadlay cabashadii  ka soo yeedhay  ganacsatadda badeecaduhu uga soo degaan  Dekedda Berbera  ee la xidhiidhay in adeega shaqo ee marsadu  uu hoos u dhacay.

Iyadoo ganacstadda isticmaala Dekedda Berbera ay  dhaliileen  in uu jiro hoos u dhac ku yimid hawlaha shaqo ee adeegyadda Dekedda  mudadda ay shirkadda Imaaraadka ee DP World la wareegtay maamulka Dekedda.

Wasiirka ganacsiga ayaa ku tilmaamay cabashadda ganacsatadda alaabooyinku uga soo degaan Dekedda in ay tahay mid la xidhiidha kala duwanaanshiyo  dhinaca hab maamulka cusub ee ay ku shaqayso  shirkadda DP World iyo qaabkii markii hore  ay u shaqayn jirtay dekadu.

Inkastoo uu wasiirku qiray in ay jirto cabashadda  ka  timid  ganacsatadda ee ah in alaabooyinku ay kaga xanibmaan Dekedda,  balse xubno wasiirro ah oo uu isagu ka mid yahay ay Berbera u tegeen sidii dhibaatadaasi loo xalin lahaa.

“Way jirtaa cabashadda ganacsatadda, waxaanay ka cabanayaan  rarkii lagu soo xidhi jiray Dekedda, maraakiibtii iyo alaabooyinkii laga soo dejin jiray  ay leeyihiin   xanibaad ayay naga gashay. Si aanu arrintaasi u soo xalino ayaanu Berbera ku tagnay anagoo ah saddex wasiir. Wasiirka ganacsiga, wasiirka arrimaha dibadda iyo anigoo wasiirka ganacsiga ah. markii aanu  xaaladii  u kuur-galanay, runtii caqabadaasi way jirtaa in adeega dekadu uu ka hooseeyo  marka loo eego sidii markii  hore ee ay xukuumadu maamuli jirtay.  Waxaana jirta in ay imika hoos u dhacday hawshii rarista iyo rogista alaabta Dekedda ka soo degta,”ayuu yidhi wasiir Cumar Shucayb oo shalay u waramayay VOA.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Sababta ay hoos ugu dhacday waa laba arrimood, midi waxay tahay dekadu waxay gashay hab maamul oo cusub, kana duwan habkii hore ee ay dekadu ku shaqayn jirtay. Taasi oo ah in laga shaqaysiinayay qaybta Selvador-ka oo ay cidi gacanta ku hayso oo xoog ku shaqaynaysay, mid aad u deg-deg badan ayaanu ahaa. Laakiin, nidaamkan cusub ee ay DP World ku shaqaynayso  waxay yidhaahdaan waa mid caalami ah, waxaana dhacda mararka qaarkood in xiliyadda dabayshu dhacayso oo kale dejinta alaabta la hakiyo.”

“Markii aanu isla eegnay  dhibaatadda jirta,  waxaanu ku xalinay in guddi loo saaro.gudidaasina waxaa ka mid ah in wada shaqayn fiican ay yeeshaan DP World iyo  shaqaalaha Dekedda, oo uu is-faham la’aani ka dhex taagan tahay.

 

DP World masuuliyiinteedda markii aanu waraysay waxay noo sheegeen in ay wax ka bedelayaan siday imika u shaqeeyaan.  Waxaanu is-la af-garanay  ganacsatadda iyo hay’adaha kale  in dantu ugu wada jirto  in  tayadda  iyo adeegga dekadu uu wanaagsanaado.”ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply