QM ayaa sheegtay in dhimashada dhooqo-guurkii ka dhacay caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown ay gaadhay 400 qof.
Qiyaastii 600 oo qof kale ayaa la la’ yahay iyada oo shaqaalaha gurmadka ay meydad ka dhex raadinayaan dhiiqo culus iyo darbiyada guryo soo dumay.
Dadaallada gurmadka ayaa waxaa wiiqaya roobab weli ka da’aya magaalada, oo sidoo kale la saadaaliyey in maalmaha soo socda ay sii di’i doonaan.
Dowladda ayaa billowday inay aasto meydadkii lasoo helay khamiistii.
Madaxweynaha dalka Sierra Leone Ernest Bai Koromo oo ka hadlay munaasabadda aaska ayaa tacsi iyo taageero ku yaboohay.
“Inaga oo ku jirno barrordiiq, aan idiin xaqiijiyo inaan taageeri doonno qoysaska ay dadkooda dhinteen iyo kuwa dhaawaca ah, waxaan sii wadi doonaa inaan idin garab taagnaano” ayuu yidhi.