Dawlada Talyaaniga Oo Markii Labaad Cabasho Ka Muujisay Whatsapp-ka Iyo Facebook-ga

0
388

Dawladda dalkaasii Talyaaniga ayaa markii labaad cabasho ka muujisay dhibaato uu ku hayo Whatsapp-ku, isaga oo noqday walax sababta furiinka ugu badan ee wadankaasi ka dhaca, iyada oo uu kaalinta labaadna galay Facebook-gu.

Looyaradda ugu saraysa dalkaasi Talyaaniga oo lagu magcaabo Gian Ettore Jasanaa ayaa sheegay in dhibta ugu badani ka taagan tahay isticmaalka Whatsapp-ka ,kaas oo keenay dumitaanka reero dhisnaa,taas oo noqotay mushkiladoodu mid aan la xalin Karin .

Gian Ettore Jasanaa ayaa sheegtay in sannadihii ugu dambeeyey ay aragtay  furin uu sabab u ahaa bogaasi lagu wada sheekaysto ee Whatsapp-ku,taas oo ah mid ay dadka is qabaa si fudud isaga basaasaan dalkaasi Talyaaniga ,kadibna keena furiinka iyo kala taga qoyskaasi.

Waxaanay sheegtay Gian Ettore Jasanaa inay tani tahay waxyaalaha ugu mushkilada badan waddankaasi ,gaar ahaana maxkamadaha oo ah goobaha ayay tidhi laga qiyaasi karo mushkilada bulshada haysta iyo siday u kala badan yihiin,iyada oo kan ka dhigtay ka koowaad ee keena mushkiladaha ugu badan ee dadka haysta.

Dhanka kalena dalkaasi Boqortooyadda ayaa isaguna noqday dal aad uga cawday shebekadaha lagu wada xidhiidho oo ay sheegeen inay noqdeen kuwo sababay inuu furiinku bato,waxaanay sheegeen inuu sannadkan gaadhey furiinkii dhacay tiro dhan 43452 ,kaas oo ah marka loo eego sannadkii hore %25.

Dhakhaatiirta cilmiga nafsiga ah ayaa sheegay in meelaha lagu wada sheekaysto ee internet-ku ay noqdeen kuwo dadku si fudud ay isaga heli karaan ,kuwaas oo keenaaya in qofku aanu kelidii isticmaali Karin,taasina ay keenayso inay dad midba magac la baxay ay isugu soo galaan,taas oo ay ku tilmaameen inay tahay ta keenaysa inay guryo badani ku dumaan.

Meelahan ayaa lagu tilmaamay inay noqdeen kuwo waddamo badan ka dhigay kuwo xaaladooda furiin ay gaadho %15 uu sabab u yahay wada sheekaysiga lagu samaynaayo shabakadahan kala duwan ee internet-ka laga isticmaalo,gaar ahaana Whatsapp-ka ,Viber-ka iyo sidoo kalena Facebook-ga.

 

Leave a Reply