Wasaaradda Waxbarashada oo Ruqsadii kala Noqotay 7 Dugsi Sare oo Gaar Loo Leeyahay

0
553

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ruqsadii kala noqotay toddoba dugsi sare oo gaar loo leeyahay, kuwaasi oo dhammaantood ku yaalla caasimada   Hargeysa.

Agaasimaha waaxda dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee wasaaradda waxbarashada, Muuse Shide, ayaa  ka hadlay sababta ay ruqsada looga qaaday, waxaannu ku eedeeyey dugsiyadaas inay u hoggaaansami waayeen awaamirtii wasaaradda wabarashada, sidoo kalena ay ka baxeen qodobo laysla qaatay oo ahaa illaa natiijada imtixaanka la soo dhajiyo inaan wax arday ah la qaadan karin.

Dugsiyadan ruqsadii lagala noqday waxay kala yihiin,  dugsiga sare ee Ileys-1, dugsiga sare ee Tomorrow, dugsiga sare ee caalami, dugsiga sare ee 17-May, dugsiga sare ee Aklas, dugsiga sare ee Ammaano iyo dugsiga sare ee Future.

“Wasiirka waxbarashadu isaga oo eegaya duruufta macalinka waxa uu ka dhigay in bisha shanteeda dugsiyada la furo, shuruud baana lagu xidhay illaa fasalada siddeedaad la saxo imtixaankooda oo wiilka baasay iyo ka dhacay la kala ogaado oo shahaadadoodii gacanta lagu dhigo inaan ardayda dugsiyadda sare la fadhiisin karin, halka dugsiyada sarena illaa imtixaanka shahaadiga ah la saxo jaamacadaha ma fadhiisin karaan ardaydii dugsiga sare dhammaysatay, waxaannu maqalay in fasaladii kowaad ee dugsiyadda sare ay qaadanayaan, wasiirkuna waxa uu shirkii uu maamulayaasha la qaatay uu ka sheegay in ay ardayda qortaan maadaama ay tahay badeecad la kala boobayo, laakiin aanay fadhiisinin fasalka,”ayuu yidhi agaasimaha dugsiyada gaarka ah oo ka hadlayay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa.

 

 

Waxa kaloo Muuse Shide intaas ku daray;  “39 dugsi sare ayaa ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada ah, toddobadii  ugu horreeyay ee iyaga oo ardaydii haya aan ugu tegay waxaan ugu bushaareynayaa maadaama is maqalkii la dhaafay oo kala danbeyntii la fulin waayay,  laguna socdo sidaan doonaan yeelayaa, taasina dawladnimona maaha, qofkii fulin waaya awaamiirta  wasaaradana waanu qabanaynaa.”

 

“Qaybta kowaad ee dugsiyadda aannu ruqsadii kala noqonayna waxay kala yihiin dugsiyada Tomorrow, iskuulkii hore loo odhan jiray Shamsudiin imikana la baxay 17-May, dugsiga sare ee Ileys, Ammaano, Caalami, Aklas iyo Future, toddobadaasi dugsiba waxay dhegaha ka fureysteen dhawaaqii ka soo baxday wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, nimankaa aan iskuuladooda ugu tegay iyaga oo fasallada  ardaydii fadhiyeen waxay caddeeyeen  inaanay danayneyn ubadka reer Somaliland, ilmaha uu maanta fadhiisiyo markuu lacag ka qaado muxuu   bari ku qancin?,”ayuu yidhi Muuse Shide.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here