Xukuumadda oo Beenisay in Maraakiib Cabasho ka Tirsaday Dekedda Berbera u Wareegeen Muqdisho

0
381

Berbera (Dawan)- Badhasaabka gobolka Saaxil, Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa beeniyay in maraakiib ku soo xidhay dekedda Berbera ay u wareegeen dhinaca Muqdisho kadib markii baddeecadihii ay sideen laga rogi waayay  oo ay maalmo ku xidhnaayeen Dekedda.

Badhasaabku  waxa uu sheegay in la dhammeeyay cabashadii  hore uga timid ganacsatadda dekedda wax kala soo dega  kana dhoofiya, isla markaana ay maalmahan shaqadda dekeddu si

“Cabashadda ganacsatadu way jirtay, waana la xaliyey. Saddexdii maalmood ee u danbeeyay, xalay (habeen hore) markabkii ugu weynaa ayaa ku soo xidhay dekedda Berbera. markabkii WFP ee raashinka u siday Itoobiya isna wuu ku xidhan yahay dekedda, baabuurtiinna  Itoobiya way u baxeen oo raashinka way qaadeen.

Waxa xalay (habeen hore), dekedda ku soo xidhay maraakiibta xoolaha la dhoofinayo qaadaysa oo  saddex markab iyo saddex doonyood  ah,”ayuu yidhi badhasaabka Saaxil oo shalay  u warramay laanta afsoomaaliga ee  BBC-da, waxaannu intaas ku daray;  “Markabkii ugu weynaa oo ay saaran yihiin 570 Koontiinar ayaa xalay (habeen hore) ku soo xidhay Dekedda, shaqaduna sideedii caadiga ahayd ayay ku soo noqotay, waanaya kala socotaa oo wax hakad ah malaha. way dhici kartaa in mararka qaar uu hakad yimaado, oo waxa dhici karta in qalabku xumaado, wixii xumaadanna waan saxaynaa.”

Waxa kaloo uu  waxba kama jiraan ku tilmaamay  wararka  sheegaya in ganacsatadda  marsadda wax uga soo degaan cabashadooda ay ka mid ahayd in maamulaha shirkadda  DP World ee maareeyaha ka ah dekeddu  aanu wax amar ah ka qaadan masuuliyiinta Somaliland, waxaannu yidhi;  “Taasi wax suurtagal ah ma aha, dekeddu magaalada Berbera ayay ku taallaa, xukuumadda Somaliland ayaanna maamusha,  shirkadda DP World-na waanu ka kiraynay.ganacsatadda waxaannu  ku nidhi soo samaysta guddi nala shaqaysa,  oo wixii maamulka iyo shaqadda Dekedda ka xumaada soo sheegta, arrintaasi ganacsatadu way diideen oo way ka kaceen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply