Abaalkii Gabadhiisa Ayuu La Yaabay!

0
412

Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Brian Burnie isla markaan ahaa  meel qabeen  ayaa gabadhiisa oo xanuunka Kansarku naasaha kaga dhacay ku bixiyay lacag dhan 16 milay oo Ginni oo ahayd hantidii uu haystay dhammaanteed.

Lacagtaasi badankeeda wuxu siiyay hay’ado samal oo kala duwan oo sadaqo ahaan u siiyay isagoo  ka codsaday inay duceeyean gabadhiisa inuu xanuunkaasi ka tago. Waxa kale oo uu ku bixiyay Isbitaalo iyo dawooyin ay qaadanaysa oo aad u badanaa.

Waxa uu iibiyay xataa guriyihii uu lahaa waxaana ka baxday hantidiisa oo dhan isagoo galya guri kiro ah.  Gabadhiisa ayaa Isbitaalkii ka soo baxday ka dib markii uu dhakhatar ay inta badan lagu dawanayan u sheegay inay hadda caafimaaday.

Markii ay guriga timi waxay la kulantay guri ka duwan kii ogayd oo aad u hooseeyaa, markii uu arkay inay amankaagtay ayuu u sheegay arrinkii isagoo ku yidhi : “ Gurigani waa kiro lacagtii way inaga wada baxday adiga ayayna kugu baxday, anigu ma rabin lacag, waxaan jeclaa inaad adigu bogsato, isagoo u sheegay inay sadaqad iyo dawo ku baxday” . Intaasi ka dibna inta ay si yaab leh u eegtay ayay ku tidhi “ Haddaba aniga i fur oo hadaanad lacag haysan, nolosha gebigeedu wax qiimo ah malaha”.  Gabadhiisa oo lagu magacabo Shirley  ayaa kaga yaabisay odayga 70 jirka, waana u furay. Waxaana iska raacay hantidii iyo weliba xaaskiisa uu la doonayay caafimaadka. Oday Brain weli wuxu la yaaban yahay abaalka gabadhiisa maalkiisa, wakhhtigiisa iyo fikirkiisuba ku baxay.  (Mirror.Uk)

Leave a Reply