Diesel: Sidee Ayuu U Hindisay Mishiinka Naaftada!

0
375

Rudolf Christian Diesel wuxu u dhashay Jarmalka waxaana uu ahaa mechanical engineer curiyay arrimo badan, laakiin wuxu caan ku yahay inuu yahay khabiirka alifay mishiinada ku sheqeeya Naaftada (Deisel ). Markii uu ahaa 14 sanno ayuu waalidkii u sheegay inuu doonayo inuu noqdo engineer, markii uu dhammeeyay waxbarashadii sare wuxu galay dugsi lagu magcaabo Industrial school oo lagu baran jiray enigineernka. Niyadiisa xoogan iyo aqoontiisa awgeed ayaa laba sanno ka dib la siiyay deeq waxbarsho oo sare.

Sannadkii 1886 ayuu soo saaray mishiinada ku sheqeeya naaftada.  Waana sababta magaciisa loogu bixiyay naaftada “Deisel”.  Deisel wuxu dhintay sannadkii 1913 iyadoo la sheegay inuu isagu is dilay ka dib markii uu qanci waayay mishiinka uu soo saaray iyo wakhtiga iyo fikirka uu geliyay.

Waxaana la sheegay inuu aaminsanaa inuu wakhti lumin ku sameeyay waxaan faa’iido lahayn.

Laakiin muran aya ku jira inuu iskii isu dilay iyo in dad kale sabab u ahaayeen. Ka dib dhimashadiisa gabadhiisa oo lagu magacaabi jiray Martha ayaa furtay shandad  uu dhiibay ka hor intii aanu safarka gaaban u bixin, waxaana ay ka heshay lacag maanta u dhiganta 1.2 Million doller. Iyo dhammaan xisaabaadkii uu baanka ku lahaa. Laakiin haddana arrintani may soo xidhin dooda ah wuu is dilay iyo waa la dilay.

Leave a Reply