Siciid Cilmi Rooble oo Eersadey in Xisbigiisu Dhabarka u Jeediyay Murrashaxnimadiisii

0
351

Hargaysa(Dawan)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku ee deeyay xisbiga Waddani oo uu ka tirsan yahay in aanay ku garab istaagin in uu u tartamo jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi, taasina ay keentay in uu ka tanaasulo hankiisi.

Siciid Cilmi oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta sharraxay sida ay u dhacday codayntii lagu doortay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada oo shalay loo doortay Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu tilmaamay in ay si fiican u dhacday doorashadaasi, isla markaana uu u codeeyay xildhibaan Axmed Yaasiin. “Doorashadii loogu tartamayay  jagada   guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, si fiican ayay u dhacday, si wacan ayaana loo kala helay, anuguna murashax ayaan ahaa, waanan tanaasulay,  waayo xisbigaygii ayaan i soo dhigin.

Aniga oo u sharraxan jagada guddoomiye ku xigeenka, mar haddii uu xisbigaygii WADDANI i soo dhigi waayay, sidaa awgeed ayaan u tanaasulay,  waxaanan u coddeeyay oo aan codkii siiyay xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle. gadaal ayaan ka hadli doonaa, guul ayaanay ku dhammaatay doorashadaasi,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u warramayay telefishanka Bulsho Tv.

Mudane, Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu sheegay in uu ka hadli doono tallaabadaas, taas oo u muuqata in uu ka biyo diidsan yahay xildhibaannada xisbiga Waddani oo aan ku taageerin hankiisii murrashaxnimo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply