Wasaaradda Boosaha oo Shaacisay Inay isu Furayaan Shirkadaha Isgaadhsiinta

0
420

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mustafe Faarax Abraar,  ayaa sheegay in ay midaynayaan isgaadhsiinta telefoonada gacanta oo ay inta badan bulshada aad u cawdaan kaadhadhka shirkadaha ee aan is gelayn taas oo sababtay in ay ummaddu qaataan dhawr telefoon oo kala duwan.

 

“Waxaan hir gelinaynaa in aannu isku xidhno Shirkaddaha Isgaadhsiinta , Ma jirin doonto laba moobeyl oo lays garab siddan doona sida uu xeerku isgaadhsiintu dhigaayo,” ayuu yidhi Wasiirka Boosaha oo la hadlay warbaahintu.

 

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Faysal Cali Sheekh ayaa u mahad celiyey shirkaddaha u hoggaasamay bixinta cashuurta iyo qaadashadda liisanka ganacsiga waxaannu  yidhi  “Waxaan halkan  aad uga amaanaynaa shirkaddaha DHL oo shirkad caalamiya, Shirkadda Socdaalka ee Sahal iyo Shirkadda bari iyo galbeed oo noqday shirkaddaha liisanka u qaadatay hawlahooda shaqo.”

 

Faysal Cali Sheekh ayaa digniin adag u diray shirkaddo uu sheegay in ay ka dhego adaygeen bixinta cashuuraha iyo qaadashadda liisamada ganacsi kuwaasi oo la xidhiidha dhinaca isku socodka bulshada iyo alaabta “Waxaannu faraynaa in ay si degdeg ah u soo doontaan liisamadooda Shirkaddaha  Daallo  , shirkaddaha waddaniga ah ee Star Bus, Saacid Bus iyo kuwa kale oo badan in ay iska bixiyaan cashuurta ku waajibtay ee isu socodka,”ayuu yidhi Agaasime Faysal Cali Sheekh. Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa marar badan sheegtay in ay middaynayaan shirkaddaha telefoonnada inkasta oo aanay u fulin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply