Cali Khaliif oo Farta ku Go’day Cadow ka soo Horjeeda Wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo

0
378

Hargeysa(Dawan)- Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inuu rajaynayo in wadahadalka ay kula jiraan Somaliland midho-dhalo oo la gudogalo qoddobadii masiiriga ahaa.

 

Waxa kaloo uu xusay in labada geesood ay leeyihiin cadow badan oo dawladda Muqdisho iyo Puntland ka mid yihiin.  “Meel wanaagsan ayay marayaan wadahadalkii noo socday labadayada dhinac (Somaliland iyo Khaatumo) waxaanay ahaayeen kuwo ay duruufi ka keentay, annaguna dhankayaga waxaannu u hanqal taagnay kuna soo hungownay dawladda Muqdisho ka jirta, Somaliland-na  waxay muddo dheer raadinaysay albaab kastana u garaacday in la ictiraafo sababahaas ayaa kallifay inaanu garanno in dani iskaaya baddey muddadii ay socdeen oo sannad ahna  waxyaabaha dhanka faa’iidada looga aayey, waxaan ka xusi karaa  xaga   nabadgelyada oo colaadii ayaa   yaraatay, isbarasho dhinacyada ah oo sida kulamadii meelaha badan ka qabsoomay,  guddiyadii labada geesood  ayaa   wada shaqayntoodii aqoon ku kala   kordhisaday,”ayuu yidhi Cali Khaliif oo u waramay Weriye Faysal Fadhfadhle oo ka tirsan Universal.

 

 

Mr. Galaydh waxa uu intaas ku daray in wadahadalada u socda Somaliland ay leeyihiin cadow badan, waxaannu yidhi; “Waxaan hoosta ka xariiqayaa in aanaan isla gaadhin qoddobadii masiiriga ahaa ee wadahadalka sababay oo aanaan ka wadahadal, wadahadalku wuxuu  leeyahay cadaw aan ka tilmaami karo dawladaa Muqdisho iyo maamulka Puntland oo aan isagu qarsanin marnaba, waxaanu is aragyadii wadahadalka ee Addis ababa iyo Jabuuti waxaannu isla qaadanay inaanu meel uga soo wada jeedsano qoddobadii ka soo baxayna waanu ku qeexnay, dantayadana u daba fadhiisan mayno wiil Puntland jooga ama Muqdisho jooga faragelintiisa.”

 

Hoggaamiyaha Khaatumo waxa uu ku dooday  inay qabyo ka muuqato dastuurka Somaliland; “Anigu shaqsi ahaan dastuurka Somaliland Soomaali iyo ingiriisiba waan ku akhriyey, annaguna sida runtii ah sidan Somaliland uu haykalkeedu u dhisan yahay hadda marna kaga mid noqon mayno, wax walibana caddaaladda ayaa gundhig u ah.  annaga oo keliya khaladku mid nooga muuqda maaha ee waa mid saamayntiisa ay beel waliba dareemayso, waxaana leeyahay xeradaa aynu doonayno inaynu ku wada noolaanno waxay u baahan tahay aqoon, tanaasul, kalsooni la isku qabo, kamana duwana xero xoolaad taana waa la xaadhaa, dulinka waa laga gubaa, waa laga rogaa xoolaha laakiin degel la isagama daayo,”ayuu yidhi Mr. Galaydh.

 

 

Ugu dambayn wuxuu ku taliyey in la taageero wadahadalkan, waxaannu yidhi; “Wadahadalkan danteenna ayaa ku jirta, mustaqbalka ubadkeenna ayaa ku jirta ee hareeraha ha la iska taago oo hala taageero, xukuumada somaliland iyo shacabkeedana waxaan leeyahay ilaahay baa iskeen baday, midnimadeenana baahiyaheena ayaa ku xidhan waxaan intaa raacinayaa oo shacabka leeyahay hala socdaan wadahadalkan oo hala riixo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply