Cabidda Shaaha badan ma laga qaadaa dhiigyari?

0
422

Soomaali badan ayaa aaminsan in shaaha laga qaado dhiig yari, qaar kalane waxay aaminsan tahay in shaaha uu dhiigga kordhiyo, sidaas darteed, waxaan qoraalkaan ugu kala gar qaadaynaa labadaas koox.

Shaaha, koffeyga iyo cabitaanka shukulaatada (kookaha) intaba waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano “Polyphenols”, maadadaan waxay hoos u dhigtaa macdanta birta ee laga helo cunnada.

Sidaas awgeed waa in aadan shaaha, kaffeyga iyo cabitaanka shukulaatada aadan cabin xilliga cunnada, haddii aad cabayso waa in ugu yaraan ay hal saacad ka soo wareegataa.

Haddii ay caado kuu tahay in shaaha aad cunnad ku cabtid ama isla markibia aad ka daba cabtid waxaa hoos u dhaca maadada birta ee dhiigga laga sameeyo maadaama jidhka uusan ka faa’idaysan karin birta ku jirta cunnada aad cuntay, taasina waxay keentaa dhiigyarida loo yaqaano “Iron Deficiency Anemia” oo laga wado dhiigyarida ka dhalatay bir la’aanta.

Caruurta yaryar iyo hooyooyinka uurka leh ayaa ugu baahi badan macdanta birta sidaas awgeed waa inay ka fogaadaan cabista shaaha xilliga cunnada.

Leave a Reply