Cunista Tufaaxa Iyo Faa’iidooyinka Uu U Leeyahay Caafimaadka Bani’aadamka

0
2586

Tufaaxu waa midho ka mid ah khudaarta. Geedka tufaaxa oo saynis ahaan lagu magacaabo Malus domestica waa geed midho macaan leh kaasi oo la cuno khudaarta uu dhalo. geedka tufaaxu wuxuu asal ahaan markii ugu horeysay laga helay badhtamaha qaarada Aasiya, halkaasoo la sheegay in ilaa maanta laga helo noocyo badan oo tufaax ah.

Haddaba waxaanu halkan ku eegi doonaa waxyaabo muhiim u ah caafimaadka oo uu ka hortag iyo daawaba uu u yahay Tufaaxu.

1- Nafaqo Dabiici Ah

Ugu yaraan halkii xabo ee Tufaax ahba waxa ku jira afar garaam oo maadada Fiber, taasoo qofka caawisa in cuntada uu cunaa ay si fiican u dheef-shiidanto. Sidoo kale il qani ku ah oo laga helo Fiitamiin C.

 

 

 

2- Miisaan Dhimista Jidhka

Tufaaxu waa khudaar lagu gaajo baxo, laakiin la yaab maaha inuu sidoo kale yahay midhaha nafaqo ah, isla markaana door ka qaata inuu hoos u dhigo miisaanka fuula jidhka. Sid ay caddeysay daraasad laga sameeyay haweenayda maalintii cunta hal xabo Tufaax ah, waxay sannad gudihii ku luminaysaa culeys badan oo uu sababay hilibka jidhka fuula, waxaanay ka badbaadaysaa khatarta duxda subbaga dhiigga raaca iyo wadne waxyaabaha keena wadne xanuunka.

3- Caafimaadka Wadnaha

Daraasad la samaynayay 20 sanno, isla markaana laga sameeyay in ka badan 34 kun oo dumar ah ayaa caddeysay in isticmaalka Tufaaxu uu ka hortago xanuunnada halista ah ee ku dhaca wadnaha iyo guud ahaan xanuunnadaba. Sidoo kale culimadii samaynaysay daraasadda ayaa sidoo kale caddeeyay in dadka quuta Tufaaxu ay ka badbaadaan xanuunka Faaliga, halka kuwa isticmaalaa ay uga dhaw yihiin halista xanuunka Faaliga.

4- Ka hortagga Xanuunnada aan dawada lahayn

Dadka cuna Tufaaxa ayaa sida ay dhakhaatiir badani caddeeyeen waxay inta badan ka badbaadaan xanuunnada halista ah ee aan dawada lahayn sida Macaanka iyo Dhiig-karka, sababtoo ah Tufaaxu waxa uu yareeyaa heerka korodhka Barotiinka jidhka, kaasoo haddii uu jidhka ku bato saameeyaa unugyada dhiigga, isla markaana halis ku ah hanaanka wareegga dhiigga iyo shaqada wadnaha.

5- Tamar gelinta Jidhka

Cunitaanka Tufaaxa ka hor intaanu qofku shaqo tagin, waxa uu jidhka galiyaa firfircooni dheeraad ah. Tufaaxu waxa uu xoojiyaa Antioxidant, taasoo qofka ka caawisa inuu hab-dhiskiisa neef-shadu si fiican u shaqeeyo.

Leave a Reply