Maydhashada Badan Oo Laga Digay In Ay Caafimaadka Maqaarka Waxyeellayn Karto

0
490

Dad badan ayaa ay dhaqan u tahay in ay maalin kasta hal mar maydhaan jidhka oo dhan subaxdii ama gelinka dambe, iyaga oo aaminsan in maydhashada badani u fiican tahay caafimaadka, laakiin xeeldheerayaasha caafimaadku maydhashada waxa ay ka qabaan fikir kaas ka duwan, oo ku bilaabanaya in maydhashadu ay wax ka tari karto urta iyo dhididka jidhka oo ay tirtirto, nadaafadda jidhka oo wanaajisa muuqaalka guud ee qofka iyo sidoo kale in ay jidhka ku abuurto firfircooni dheeraad ah, laakiin caafimaadka haddii laga hadlayo, dhibaatada ay u geysataa ay ka badan tahay samaanta laga filan karo.

Allen Larson oo ku takhasustay cudurrada faafa ayaa mar uu dhowaan wargeyska TIMES arrimahan kala sheekaystay hadalladeeda waxaa ka mid ahaa, “Dadkuu waxa ay iska aaminsan yihiin in maydhashadu ay nadaafadda jidhka u fiican tahay, laakiin sidaas ma’aha” Larson waxa ay intaas ku sii dartay in maydhashadu ay siifadda iyo urta dhidhdka kaxayso laakiin aanay jidhka ka ilaalin xanuunno, taas o beddelkeedana gacmaha oo si fiican joogto loogu maydhaa ay u fiican yihiin caafimaadka.

Larson waxa ay sheegtay in haddii maydhashadu jidhka ku sii badatana ay keento dhibaatooyin caafimaad darro ah oo ay ka mid tahay in maqaarka ay duxda abuurka ahi ka tagto oo uu qallayl isu rogo, iyo in cudur-sidayaal iyo bakteeriyo gaar ahi ay jidhka galana, iyaga oo sii maraya duloollada yaryar ee maqaarka oo mar kasta oo uu qofku maydho furma.

Warbixintan uu Geeska Afrika turjumay waxa ay intaas ku daraysaa in Dr. Jim Brandon Mitchell oo ah bare cilmiga cudurrada maqaarka ku dhaca ka dhiga jaamacadda George Washington, uu Larson la qabo fikirkan. “Waxa aan aaminsanahay in dadku dhammaantood maydhaan tiro ka badan inta saxda ah caafimaad ahaan” waxa aanu xusay in ay maydhashadaas badani ay jidhka ka kaxaynayso dufanka dabiiciga ah ee maqaarku soo daayo, isla markaana ay carqalad ku noqoto nidaamka hab-dhiska difaaca ee qofka, gaar ahaan difaaca qaybta maqaarka ka difaacda cudurrada.

Ugu dambayntii khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in sida uu fiicani ay tahay in qofku uu toddobaadkii ha lama laba jeer maydho, laakiin ku dadaalo in gacmihiisa uu joogto u maydho, dharkiisuna mar kasta nadiif ahaadaan.

 

 

Leave a Reply