Hargeysa (Dawan) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay inay sagaal kun oo beerood loo qodi doono beeraleydii danyarta ahayd ee ay abaartii qalafsanayd ee horaantii sannadkan ku habsatay dalku naafaysay wax-soosaarkoodii, Waxaana beerahan laga qodi doonaa 135 degaan oo gobollada dalka oo dhan ku yaalla.
Sidaasna waxa sheegay wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland, Maxamed Aw Daahir Ibraahim, oo ka mida guddida ka-soo-kabashada abaaraha Somaliland oo madaxweyne Axmed Siilaanyo
u xilsaaray inay ka shaqeeyaan takulaynta dadkii abaaruhu tabaaleeyeen. “Guddida ka-soo-kabashada abaaraha ee heer qaran, aan wasiir ahaan ka mid ahay, ayaa waxay u yeedheen wasaaradda beeraha iyo wasaaradda degaanka iyo horumarinta reermiyiga. Markaa waxa la yidhi waxa la doonayaa inaad sagaal kun oo beerood dalka ka qodaan oo dadka gaadhsiisaaan. Sagaalka kun ee beerood ee la qodi doonaa waxay ku kala yaalaan 135 degaan oo guud ahaan dalka oo dhan ah,” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha oo u waramay weriyaha BBC-da u qaabilsan Somaliland Axmed Siciid Cigge.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Degaan kasta oo hawsha qodaalka beeruhu ka bilaabmayso, waxaannu u tagaynaa guddidii goobtaas, sidaas ayaanu hawshaa uga wada shaqaynaynaa si wada jira ah.”
Wasiirka beeruhu waxa uu rajo fiican ka muujiyay haddii roobabku sii socdaan in ay beeraleydu sii xoojin doonaan wax-soo-saarka beeraha, waxaannu yidhi; “Hadda dalagyada la beerayaa waa Arabikhi iyo geed-gaab, hadhuudhkiinna xilligiisii wuu dhammaaday. Markaa haddii Alle roobka sidaa innoogu sii wado wuu sii kordhayaa wax-soo-saarkii dalagyada beeruhu, waana wax ummad ahaan inoo soo kordhay. markay ugu yar tahayna caleen baa soo baxaysa xooluhu ku badbaadaan.”
Wasiir Maxamed Daahir, waxa uu sheegay in hirgalinta arrintaas ay wasaarad ahaan dhawaan bilaabi doonaan mahshruucan beeraleyada ah danyarta ah beeraha loogu qodayo. Mashruucan ayaa noqon doona mid wax wayn ka tara saamayntii ay abaaruhu ku yeesheen guud ahaan beeraleyda dalka oo qaarkood ay tahli kari waayeen in ay beerahooda qotaan.
Guddida ka-soo-kabashada abaaraha ayaa hore u sheegay in ay mashaariic waxtarleh bulshada ugu qaban doonaan lacagihii qaadhaanka ahaa ee loo ururiyay sidii wax loogu qaban lahaa guud ahaan dadkii ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
Dawannews Hargeysa office