Hargaysa (Dawan)- Siyaasiga Cali Yuusuf (Cali Guray, oo ka mid ah madaxda xisbigga muxaafadka ah ee KULMIYE, ayaa eedo ba’an u jeediyay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Cirro oo dhawaan ku biiray xisbigga mucaaradka ah ee WADDANI.
Cali Guray, ayaa Cabdillaahi Cirro ku tilmaamay in uu hayo xannuun uu ku tilmaamay Muuse nacayb, waxaannu ku eedeeyay Cabdilaahi Cirro in aannu mucaarad ku ahayn xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo muddadii todobadda sanno ahayd ee ay hoggaanka haysay.
Cali waxa uu sidaasi ku sheegay qormo kooban oo ku baahiyay bartiisa Facebook, waxaanay u dhignayd sidan; “Sheekadu ma Muuse Biixi Xamar buu inagu wadaa baa? waa maxay xikmaddu haddii aanay sidaa ahayn, ilayn xukuumadda waxa u hadhsan laba bilood oo maaha halka loo socdaa iyada e’. Cabdillaahi todoba sanadood bay jirtay xukuumadani oo aanu hal maalin dhaliilin, mucaaridna kumuu ahayn, weligiina dawlad mucaarid kuma noqonine, haddii sheekadu Muuse tahayna ma sii ridnaa oo wada hadalba haadkaasaa ka hadhay. Cabdillaahi ilaa Siyaad Barre ilaa tan Axmed Siilanyo mucaarid kumuu noqonin, haddii Muuse Biixi uu madaxwayne noqdana aniga ayaa huba ku noqon maayo mucaarid ee wuxu mucaarid ku yahay inta aan la gaadhin doorashada ee Muuse Biixi uu musharaxa yahay. macaarid xukuumadeed waynu arki jirnay, mucaarid musharaxna maanta waa kow oo waa Muuse-diidka eh, maaha xisbiyahan WADDANI ah. haddii ILAAHAy Muuse Biixi inuu madaxwayne noqdo doonay, wuu noqon sanka ayaana u daloola cid kasta, waayo ILLAAHAY ayaa xadiisul qudsi inoogu sheegay oo yidhi “Ilma Nebi Aadanow idinkuna waa doontaan, aniguna waan doonaa, mana noqonayso ta aan anigu doono mooyee tu kale. markaa Muuse diidyadu ha dilaacaan”.
Dawannews Hargeysa office