Guddoomiye Muuse oo ku Guubaabiyey Awdal & Gabiley Inay Dalka u Horseedaan Wershadaynta

0
434

Gabiley(Dawan)-  Guddoomiyaha ahna Murrashaxa  Madaxweynaha  ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay bulshada gobollada Gabiley iyo Awdal inay horseed u noqdaan horumarka   iyo wershadaynta dalka, isla markaana ay u jeedsadaan wax-soosaarka tacabka beeraha.

Waxa kaloo uu ku booriyey labadan gobol maadaama oo ay imika ku sii jiraan noloshii beeralayda  in looga fadhiyo inay waddanka u horkacaan dhinaca horumarka.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu xusay in la dhigay halgankii qoriga oo Somaliland laga bilaabayo kifaaxii horumarka.  “Halgankii qoriga waynu dhignay, waxaynu bilaabaynaa halgankii qalinka oo aynu kow ka noqonayno sida loo dhisayo qaranka Somaliland. maanta Gabiley waxaynu   balanqaadaynaa, halgankii horumarka, halgankii qabyaaladda lagaga baxayay, halgankii wax-soosaarka lagu hirgelinayay, halgankii qaranka Somaliland  uu ku noqon lahaa in uu kaga mid noqdo qarammada lagu majeerto caalamka ee dhaqaalihiisu horumaro ee loo soo shaqo tago ee aan laga tahriibin,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad u jeediyey kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley oo soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyay weftigii uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Waxa kaloo sheegay in reer Gabiley laga rabo inay banka Wajaale ka soo saaraan raashin ku filnaan kara Somaliland oo dhan, waxaannu yidhi;  “Waxaynu ku tamaniyaynaa in aynu banka Wajaalle ka soo saarno  raashinka ku filaan kara Somaliland oo dhan,  waayo? Wajaale, Boorame ilaa Hargaysa inta u dhaxaysa Ilaahay (SWT) nimcadii (roobkii) ayuu ku shubay, mar walbana waxa ka bilawda gu’ga.Waxa lagu maahmaahaa  oo odayaashii hore ku maahmaahi jireen, marka Inanta galbeed subkato, ayay inanta barina  Lulataa.”

Md. Muuse Biixi waxa uu fariin u wadajir ah u diray bulshada Awdal iyo Gabiley;   “Haddii aynu nahay gobollada galbeedka, waxaa inagu waajib ah in aynu si cilmiyan ah wax-soosaarka ugu dhaqaaqno, waxaynu ka baxaynaa noloshii reer guuraaga ahayd, waxaynu imika ku sii jirnaa noloshii beeralayda ahayd, waa in aynu qaranka u horseednaa noloshii wershadaynta.Haddii Siimoodi la qodayo oo macdan laga soo saarayo iyo haddii banka Wajaale beero raashinkooda mishiinno la geliyo laga soo saarayaba,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaannu intaas ku daray; “Galbeed, maanta xil weyn ayaa saaran, labadii murrashaxba waxay ka soo jeedaan galbeed, dalkuna wuxuu u badan yahay bari, 200 oo  km ee Jabuuti ilaa Hargaysa ah waxaa  laga rabaa in ay  noqdaan mishiinka jiidaya 1000 km oo bari ah.  waa  xil  saaran intiina maanta halkan taagan.

Maanta galbeed waxaa laga rabaa in shanta sannadood ee soo socda ay dalka ka saaraan tahriibka iyo shaqo la’aanta oo ay gaadhsiiyaan wershadayn iyo dhaqaale in ay isku filaadaan. Raga iyo hablaha laga sugayaana waa jaamacadaha  Camuud, Timacade, Eelo iyo jaamacadda Hargaysa, waa in laga helaa caqligoodii iyo aqoontoodii.”

 

“Idiinma yaallo fadhi,  welwel  iyo waan shaqo la’hay   oo guriga ayaan fadhiyaa  xilkaas ayaad qaadeen. waayo? galbeedoow idinkaa yidhi na siiya madaxweynaha  iyo ku-xigeenka murrashaxiintooda oo na doorta, waxaannu idiin horseedaynaa barwaaqo iyo horumar. Waxaa la idinka rabaa taa in aad qaadaan idinkuna, aniga iyo Saylici  oo qudha qaadi mayno, idinka ayaa nala qaadaya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE, Md.  Muuse Biixi Cabdi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply