Komishanka oo Madaxweyne Siilaanyo ku Bogaadiyey u Fududeeyay hawlaha Doorashada

0
349

Hargeysa(Dawan)- Komishanka Doorashooyinka ayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uga mahadceliyay taageeradii kala duwanayd ee xukuumadiisu ka qaadatay fulinta hawlaha xasaasiga ah ee ay qaranka u hayaan.

 

Guddida doorashooyinku waxay sidaas ka sheegeen kulan ay shalay la yeesheen madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabiley, sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, Md. Xuseen Aadan Cigge (Dayr), waxaanu  war-murtiyeedkaasi u qornaa sidan:-

 

“Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay  Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishanku waxay madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga mahadnaqeen sida hagar la’aanta ee ay xukuumadiisu hiil,  hoo iyo dhaqaaleba ula garab is taagtay hawlaha baaxadda leh ee ay KDQ ummadda u hayaan. Sidoo kale waxay Madaxweynaha  u sheegeen inay iyaga komishan ahaan ka go’an tahay inay idamka ALLE Doorashada madaxtooyada ku qabsoonto xilligii loogu talagalay 13.11.2017.

 

KDQ waxay xisbiyada tartamaya ugu baaqeen inay Murashaxiintooda ku soo gudbiyaan  muddo 45 xisho ka hor maalinta loo qoondeeyey doorashada.

 

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba gaboobay Guul iyo is afgarad. Isagoo madaxweynuhuna ku dhiirigeliyey hawsha qaran ee ay hayaan Allena uga baryey inuu ku asturo una dhib yareeyo hawlaha doorashada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply