Khilaafkii u Dhaxeeyey Ganacsatada iyo Shirkadda DP World oo la soo AfJaray

0
325

Berbera (Dawan): Xubno Wasiirro ah oo labadii maalmood ee u danbeeyay magaalada Berbera u joogay xalinta khilaaf mar kale soo kala dhex galay   ganacstada marsadda Berbera wax kala soo degta  iyo iyo shirkadda maamusha ee DP World,  ayaa sheegay in ay xal  buuxa ka gaadheen khilaafkaas.

Khilaafkan u danbeeyay ee  u dhexeeyay DP World iyo ganacstadda isticmaala Dekedda , ayaa ka dhashay  kadib markii ay ganacsatadu  diideen qalab  loogu talo galay in ay  nabadgelyo  ahaan (safety) u xidhaan markay ku guddo jiraan shaqadda Dekedda iyo ganacsatadda oo ka cabanayay hawlaha Dekedda oo aan si fiican u kala socon.

Shir jaraa’id oo ay shalay  si wadajir ah ugu qabteen magaalada Berbera saddex Wasiir, badhasaabka Saaxil iyo maareeyaha dekadaha Somaliland, waxay  ku sheegeen in heshiis laga gaadhay cabashadii  ka soo yeedhay ganacstadu oo  ay kaga cabanayeen maamulka shirkadda DP World, isla markaana ay ku guulaysteen soo afjaridda khilaafkan.

Xubnahan wasiirrada ah ee Berbera loogu diray xalinta murankaasi waxay kala ahaayeen Wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga.

Wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa  sheegay in kadib markii ay meel isugu keeneen ganacstadda cabanaysay, shaqaalaha Dekedda, masuuliyiinta DP World iyo maareeyaha dekadaha Somaliland in khilaafkii jiray  ay xaliyeen, isla markaana uu si fiican ugu soo dhamaaday.

“Arrintii aanu Berbera u nimid, ee madaxweynuhu noo soo igmaday  waanu soo afjarnay, wakhti badana naguma qaadan. Markii  aanu ganacstadda is-aragnay oo aanu munaaqisho la galnay, markii aanu  la kulanay maamulka Dekedda ee  DP World iyo maamulka dekadaha dalka oo uu masuul ka yahay maareeyaha dekadaha Somaliland, markii aanu intaaba kulminay, wixii jiray waxaannu u aragnay wax la xalin karayo, si fiican ayaanu noogu dhammaaday,”ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray;  “Waxaanu u sheegaynaa shacbiga Somaliland iyo cid kastoo arrintani wax ka dhex doonaysayba, in arrinkaasi uu ku soo afjarmay  si wanaagsan. Wixii hadda ka danbeeyana in Dekedda hawsheedii in  ay si habsi ah u soconayso.”

Geesta kale wasiirka shaqadda oo suxufiyiintu   waydiiyeen waxa lagu dhameeyay arrinta dirayska xaga nabadgelyada  ee ay shirkadda DP World ku soo rogtay in maacaamiishu  xidhaan oo ahaa midka muranku ka dhashay, ayaa ku dooday in ay arrintaasi si fiican isula afgarteen masuuliyiinta DP World, waxaanu yidhi;  “Go’aankaasi wuu dhamaaday, oo waa la laalay, qodobkaasina wuxuu ku dhamaaday is-af-garad. DP World  waanu ka wadahadalnay si wanaagsan ayaananu isaga af-garanay, si fiican ayaana la isula qaatay. Haddii aad u fahamteen in aanu wax maldahayno marka aan ku leeyahay waa la isla qaatay, waxaan kuu sheegayaa ma maldahanayno. DP World-na  way og tahay, qoraal ayaanay leedahay, wax laga heshiiyayna weeyi waxaas oo dhami wax dib inoogu soo noqonayana ma aha.”

 

 

Wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, ayaa eedeeyay xubno uu sheegay in maalmihii khilaafkii jiray  hadallo qaran dumisnimo ah ka soo yeedheen in ay galeen danbi qaran, waxaanu yidhi;  “Ninka yidhi komishan ma jirro, oo maxkamadi ma jirto, fulini ma jirto, oo goleyaashii qaranku ma jiraan,  nin dalka dumiyay ayuu ak dhigan yahay.

Ninka dhamaanba dafiray hay’adihii jiray  iyo qaranimadii jirtay iyo dawladnimadii jirtayba, waxaan leeyahay af-Soomaaliga caynkaas ah ninka yidhi kiis ayuu galay, waana qaran dumis.”

 

Sidoo kale badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in  kulan ay habeen hore isugu yimaadeen xubnaha wasiirrada, maamulka gobolka ka degmadda iyo ganacstaduba ay  ku guulaysteen in ay murankaasi la soo  afjaro;  “Kiiskii maalmahan socday, xalay  (habeen hore) wasiirrada, maamulka gobolka, maamulka degmadda Berbera iyo ganacsatadaba waanu ka wadahadalnay. Arrintaana waa lagu guulaystay soo af-jarideedda wax kaloo mashaakil ahna ma taagna. Aad iyo aad ayaanan ugu mahad naqaynaa ganacstadda,”ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply