Madaxweynaha Somaliland oo Murrashaxiinta Xisbiyada ugu Baaqay Inaanay Iskaga Khaldamin Qarannimada & Laacdanka Doorashadu

0
384

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa murrashaxiinta saddexda xisbi qaran ugu baaqay inay kala gartaan qaranimada iyo laacdanka loolanka doorashada ee iyaga u dhaxeeya. Waxaannu mar kale sii xoojiyey balanqaadkiisii ahaa inuu doonayo inay waddanka uga  qabsoonto doorashada madaxtooyadu si  xor iyo xalaal ah.

Waxa kaloo  uu codbixiyeyaasha ugu baaqay  inay u coddeeyaan murrashaxiinta xisbal-xaakimka oo uu tilmaamay inay waayoaragnimo  hoggaamineed leeyihiin.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaasi ka sheegay khudbad dheer oo uu ka jeediyay xaflad lagu daah-furayay barnaamijka cusub ee xisbiga KULMIYE ku geli doono doorashada madaxtooyada oo lagu soo bandhigay xaflad weyn oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimada Hargeysa shalay.

 

Madaxweynuhu waxa kaloo uu intaas ku daray in xukuumadiisu muddadii ay xilka haysay ay waddanka ka fulisay waxqabad iyo horumar ballaadhan, waxaanay khudbadiisa u qornayd sidan:- “Ugu horreyn, mahad oo dhani, waxay u sugnaatay Allaheenna weyn, ee innagu manaystay nimcooyinkiisa kala duwan, gaar ahaanna maanta inoo suurtogeliyey, in aynu nabad qab isugu nimaadno, munaasibadan uu Xisbiga Kulmiye ku soo bandhigayo Qorshihiisa iyo hadafka uu ku hawlgali doono, haddii EEBE idmo, Shanta sanno ee soo socda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa ALLA mahaddii ah, in nabadda, xasilloonida, degenaanshaha iyo kala dambaynta ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland maanta ku naaloonayaan, aanay deyn innagu ahayn dalkeenuna aanu-u-rahmanayn; balse ay tahay, mid ku timid dedaalka, kartida iyo isku kalsoonida shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, Dawladnimada, Dimuqraadiyadda, koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee aynu gaadhnay, ma aha mid la innooga soo waariday degel-shisheeye, balse waa mid hal-abuurkeeda iyo himiladeedaba, aynu innagu la nimid.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Shaki kuma jiro, oo waa laga wada dheregsan yahay, in Muddo Xileedkii koowaad ee xukuumadda KULMIYE, wax weyn ka qabatay horumarka iyo dhismaha dalka. Waxaannu suurto galiney, horumar ballaadhan oo dhinacyo badan leh, oo la taaban karo. Isbeddelladani waxay ka turjumayaan, ballan-qaadyadii uu xisbiga Kulmiye la galay bulshada, xilligii uu ku jiray ololaha Doorashada.

Sidoo kale, Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, waxay kor u qaaday isku kalsoonida, wax wada qabsiga, rejada, filashada iyo yididiillada shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gude iyo dibedba.

Horumarka iyo wax qabadka ay xukuumadda Kulmiye dalka ka hirgelisay muddo xileedkeedii koowaad, waxa laga dheehan karaa, dhammaan gobollada dalka oo idil, min tuulo, degmo, gobol ilaa Caasimadda.

Dhawaanna, waxaannu shacabka Somaliland u soo bandhigi doonnaa, warbixin dhammaystiran iyo diiwaan koobsanaya dhammaanba wax-qabadkii xukuumadda Kulmiye muddadii ay talada dalka haysay.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Sannadkii 2002-dii, 23-kii May, aniga iyo xubno kooban, waxaannu abaabulnay, isla markaana dhidibada u taagnay Xisbiga Kulmiye, oo ah bahweynta ay bulshada Somaliland ku midoobeen.

Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay, midnimada iyo horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland, ujeeddadiisa ugu weyn, ee uu hiigsanayaa waxaa bartilmaameed u ah, dhismaha iyo dhidibo-u-taagidda Qaran dimuqraadi ah, oo leh hannaan iyo haybad dawladnimo oo ay mahadiyaan muwaadiniintiisu.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Tan iyo xilligii uu dalkani cagta saaray dhabada dimuqraadiyadda, Xisbiga Kulmiye wuxuu kaalin mug leh, oo muuqata ku lahaa geedi socodkii doorashooyinka, wuxuuna ka soo qaybqaatay dhammaan doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ee dawladaha hoose, Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Sida ay taariikhdu qirayso, Xisbiga Kulmiye wuxuu ka soo hooyey guulo wax ku ool ah, oo u gogol xaadhay, marxaladdan uu maanta dawlad yahay.

Xisbiga Kulmiye, oo ah maanta xisbal-xaakima, wuxuu talada dalkan ee uu hantay  u soo maray jid dheer, oo uu sahay uga soo dhigtay sabir, dulqaad, tanaasul, tudhaale, talo wadaag iyo tawfiiq.

Xisbiga Kulmiye waa Xisbigii aan aasaasay, waana xisbigii Madaxweynaha laygu doortay. Sidaa darteed, si uu barnaamijkii iyo waxqabadkii u dhammaystirmo, waxaynu dhammaanteen u hawlgali doonnaa sidii uu xisbigu mar-labaad ugu guuleysan lahaa talada dalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan jecelahay in aan halkan si niyad sami ah ugu mahad naqo, taageersayaashii tirada badnaa (rag iyo dumar) ee min bilowgii aasaaska illaa maanta, sida hagar la’aanta ah, hiil iyo hoo ula hareer taagnaa Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale, waxaan si weyn ugu mahad celinayaa Madaxdii Xisbiga, Hoggaanka, Guddida Fulinta, Xubnaha Golaha Dhexe, iyo haldoorkii aan odayga u ahaa ee habeen iyo maalin garabka iyo gaashanka ii ahaa, taariikhda Xisbiga waxay kaga suntanyihiin baal-dahaba. Intii dhimatayna, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaynu ku jirnaa gebagabadii iyo bilihii ugu dambeeyey ee xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, taasoo talada dalka haysay laga soo bilaabo 27/07/2010-kii.  Dhinaca kale, waxa iyana foodda innagu soo haysa, haddii EEBE idmo, Tartankii Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo u muddaysan 13/11/2017-ka.

Anigu, ka Madaxweyne ahaan, waxa iga go’an inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo inoogu dhacda hannaan dimuqraadiya, kii calafku siiyana loo hambalyeeyo.

Waxaan ummaddayda u bayaaminayaa inaan ahay oday qaran oo dalka iyo dadkaba ay masuuliyad culusi ka saaran tahay. Sidaa darteed, Xisbiyada uu loollanku ka dhexeeyo ha ku kalsoonaadaan Xeerarka iyo Dastuurka Qarankeenna iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo u xil saaran maamulka doorashooyinka.

Waxaan aaminsanahay in aqoonta, waayo-aragnimada siyaasadeed, sumcadda iyo miisaanka uu hoggaamiye walba leeyahay, ay door weyn ka ciyaari karaan kasbashada quluubta iyo maanka ummaddiisa iyo weliba kalsoonida iyo ixtiraamka uu ka heli karo beesha caalamka.

Haddaba, anigu qof ahaan aqoonta iyo waayo-aragnimada aan u leeyahay Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Xisbiga KULMIYE, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaan si kalsooni leh u odhan karaa inuu yahay Murrashax waayo-arag ah oo leh tayo hoggaamiyenimo oo magac, maamuus iyo miisaanba ku leh gobolka geeska Afrika.

Mudanayaal iyo Marwooyin,Waxaan aaminsanahay, in uu yahay hoggaamiye ummadda Somaliland isku wadi kara, halkaana ka sii amba qaadi kara hoggaaminta Qaranimada Somaliland iyo himilada Xisbiga Kulmiye, iyo horumarka uu dalkeennu ku tallaabsaday. Muddadii dheerayd ee soddonka sanno ka badnay ee aanu soo wada shaqaynay, waxaan idiin sheegaya xilligii uu ku soo biiray Ururka SNM, in uu wax weyn ku soo kordhiyey garabka millitari ee ururka.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Murrashaxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waa masuul waayo arag ah oo aanu muddo shan iyo tobanka sannadood ah, aanu ka soo wada shaqaynay Xisbiga iyo Xukuumaddaba. waa masuul aad u fahansan haykalka dawladnimo iyo himilada uu qarankeennu hiigsanayo.

Sidaa darteed, waxaan cod-bixiyeyaasha Somaliland ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan, Murashaxiinta Xisbiga KULMIYE.

Gebo-gabo iyo Dardaaran

Mudanayaal iyo Marwooyin, Hadaf iyo himilo kasta oo aynu leenahay, waxaynu ku gaadhi karna, isku duubni, midnimo iyo wada jir. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in aynu midayno, muruqeenna iyo maskaxdeenna, isla markaana aynu meel uga soo wada jeedno ilaalinta nabadgelyada, madaxbannaanida iyo difaaca Qarannimada Somaliland.

Waxqabadka ballaadhan ee xukuumaddaydu ay qabatay, wuxuu ka mid ahaa ujeeddooyinka aan u aasaasay Xisbiga Kulmiye. Sidaa darteed, muddadii xukuumaddu jirtay dadkii aan xilalka u magacaabay, waa ku ceeb inay cidi gaar u sheegato.

Ragga uu taratanku ka dhexeeyo, iyo inta ku xeeranba, waxaan kula dardaarmayaa, in aanay isaga qaldamin Qarannimada iyo loollaanka iyo laacdanka iyaga ka dhexeeyaa.Somaliland ha Guuleysato, Kulmiye ha Guuleysto Waad Mahadsantihiin Dhammaantiin,Wa Billaahi Tawfiiq.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply