Warbixin Sharraxday Qiime-dhaca ku Habsaday Lacagtii Somaliland iyo Asbaabaha Keenay Sicir-bararka

0
347

Hargeysa(Dawan)-Idaacadda BBC-da ee dunidda la hadasha ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay dalka  kaliya ee adduunyada ka jira ee aan lacagtiisa kaashka ahi ka dhex shaqeynin.

Warbixin uu diyaariyay weriye Matthew Vickery oo shalay la baahiyay, ayuu si qotodheer ugaga warramay  qiime-dhaca ku habsaday lacagta Somaliland oo u muuqata in laga baxay. Waxa kaloo uu warbixintaasi lagu caddeeyay in sicir-bararka waddanka ka jira ay qayb ka tahay lacagaha telefoonka lagu xawilo ee shirkadaha isgaadhsiintu samaysteen.

 

 

Warbixintan oo aad u dheerayd, waxay intii ugu muhiimsanayd u qornayd sidan:-

“Ma jiraan wax badan oo dawladda yar ee  Somaliland ay caalamka kaga horreyso, haddii ay jirto waxa ka mid noqon lahayd inaanay lacagta kaashka ahi ka dhex shaqeynin.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka go’day Soomaaliya sannadkii  1991kii beesha caalamkana wali may ictiraafin,waxaanay ku socotaa tubtii ay ku  noqon lahayd  bulshada kaliya ee adduunyada ee aan lacag lahayn.

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland lacagta telefoonka la iskaga diro ayaa noqotay  lacagta caadiga ah ee dalka.

 

Ka digo-rogashada   lacagtii kaashka ahayd ayaa qayb ka ah  asbaabaha keenay qiime dhaca degdega ah ee  ku habsaday lacagtii shilinka Somaliland ee dalkani lahaa, waxaanu   halka Doolar imika u dhigmaa 9,000 Sl Sh ah, iyadoo dhawr sannadood ka horna uu taagnaa  inta uu  xiligan marayo  kala badhkii.

 

Lacagta cusub ee Somaliland soo daabacanaysay ayaa dhalisay qiime-dhaca joogtada ah ee lacagtan ku dhacay  sannadba sannadka  xiga.

 

Somaliland kama jiraan bangiyo la aqoonsan yahay  iyo nidaam hagaagsan oo  bangi. Waxa jira laba shirkadood oo gaar loo leeyahay,  Zaad waxa laga furay Somaliland sannadkii 2009kii iyo e-dahab oo cusub ayaa samaystay nidaam bangi  oo kale ah oo  telefoonka gacanta lagu kaydsanayo lacagta. Lacagtii kaashka ahayd ayaa  shiiqday  waxaanay dad badani la qabsadeen kaash la’aanta.”

 

 

 

 

Warbixintan waxa lagu sheegay in lacagaha telefoonka laga xawilaa ay Somaliland faa’iido u keentay xilligii abaartu ku dhufatay dalka. “Waxa Somaliland  ku dhufatay sannadkii hore abaar dhimasho dhalisay oo naafeysay hab nololeedkii xoolo dhaqatada iyo beeraleyda, waxaana farsamada  lacagta telefoonka lagu xawilaa ay kumanaan qof u suurtogalisay inay ehaladooda magaalooyinka jooga ay ka helaan lacag degdeg ah oo ay noloshooda kula tacaalaan.

Cilmi baadhis la sameeyay sannadkii 2016-kii, waxa lagu ogaaday  in 88%  dadka Soomaalida ah ee  ka weyn  16 jir ay leeyihiin hal SIM card. Waxa kaloo daraasadaas lagu xaqiijiyay in 81% dadka Somaliland ee ku nool magaalooyinka iyo 62% dadka ku nool miyigu  ay isticmaalaan lacagaha telefoonka laga diro (Mobile money).”

Sidoo kale suxufigani waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka ay lacagaha telefoonka lagu diraa ku yeesheen dhaqaalaha iyo bulshada Somaliland, waxaannu yidhi; “Labadaas shirkadood ayaa maamulaya  oo gacanta ay ugu jirtaa lacagtii  doolarka ahayd  ee  Somaliland.

Mustafe Xasan oo ka mid ah sarifleyaasha Hargeysa, ayaa sheegay inaanay dhibaatadu ganacsigooda oo kaliya ku ekayn ee ay  lacagta (Mobile money) ay sababtay sicir bararka.

“Waxaanu rajaynayaa in dawladdu ay xakamayso ama joojiso lacagta telefoonka laga xawilo oo la timid dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay inay labadan shirkadood ay la mid yihiin sidii qaar daabacanaya lacagta oo kale,”ayuu yidhi Mustafe.

 

Leave a Reply