Tarminta Labaad ee Buugga Xeeladaha Dagaalka oo Lagu Gardaadiyay Madal Lagu Qabtay Hargeysa

0
729

Hargeysa(Dawan)- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu gar-daadiyay tarminta labaad ee Bandhigga Buugga Xeeladaha Dagaalka (The Art Of War) oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa shalay.

 

Munaasibadii loo sameeyey daah-furka bandhiggan oo uu qorey nin jaynis ah oo lagu magacaabi jiray SUN Tzu, waxaana afsoomaali ku turjumay qoraaga weyn ah Aadan Xasan Aadan (Beleloo) oo ah danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya , waxaannu buuggani ka hadlayaa Xeeladaha dagaalka iyo weliba hoggaaminta wanaagsan, waxaana ka soo qeybgalay  xafladaas  Wasiirro, Saraakiil ka socday ciidammada Qaranka iyo ilaalinta xeebaha, Aqoonyahan, Dhallinyaro, Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Khadar Maxamed Cakuule, Guddoomiyaha Dawan Media Group, Maxamed Cismaan Mire (Sayid), Guddoomiyaha Shirkadda Daabacada Buuggaagta ee HEMO Books Cabdiraxmaan Nuux Cigaal, Masuuliyiin ka socday Xarunta dhiteynta dhaqanka iyo xidigiska ee ODAY KA SHEEKEE, iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

Guddoomiyaha shirkadda Daabacada buugaaggta ee HEMO Books Cabdiraxmaan Nuux Cigaal, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-naqayaa marti-sharafta ka soo qeybgashay Munaasibadan aynu ku daah-fureyno Buugga Xeeladaha Dagaalka,oo ay maalgelisay isla markaana ay soo daabacday Shirkadda HEMO BOOKS Shirkadda  waxa loo aasaasay inay bulshada ka haqab-tirto baahida xagga agabka waxbarashada. Buugan aynu u fadhino waa Buugii ugu horeeyey ee noocIisa ah ee Somaliland lagu soo bandhigo. HEMO Books waxay xarunta tababarta Ciidanka qaranka ee Darar-weyne ugu deeqday 300 oo buug.”

 

Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada Bandhigga Buugga Xeeladaha Dagaalka Md. Xamse Ciise Cabdi ayaa u mahadceliyay dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo qeybgashay bandhiggan “Waa Bandhigii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Somaliland lagu qabto, waxaanan Buuggan ugu tallogalnay inay ciidanka qaranku ka faa’iideystaan.Waxaanan uga mahad-celinayaa ka soo qeybgalayaasha bandhigan Buugaan Xeeladaha Dagaalka.”

 

Agaasimaha Telefiishanka Madaxa-banaan ee Horn Cable TV (HCTV) Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Buuggan Xeeladaha Dagaalka waxa soo turjumay Wasiirkii hore ee Diinta iyo Aw-qaafta Jabuuti imikana ah Safiirka Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Aadan Xasan Aden (Beleloo) oo aanu nahay saaxibo, waa nin faham baddan, oo dadka jecel, Buugganina waxa uu wax baddan ka caawin doona da’yarta saraakiisha Somaliland. Buugga Xeeladaha dagaalka markii istiikaradiisa lagu dha-dhajiyay magaalada waxa uu qof waliba is-weydiinayay macluumaadka ku jira Buuggani.”

Xaashi Cabdilaahi Orax (Xaashi Af-weyne) oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan u mahad-qanayaa guddida qabanqaabada Bandhigga Buuggan Xeeladaha Dagaalka iyo Shirkadda Soo daabacday-ba ee HEMO. Aad Ayaan ugu faraxsanay inay Magaalada Hargeysi inay bandhigga Buugaagta Xagayagii ka gasho. Aadan Xasan Aadan (Aadan Beleloo) oo laga sheekeyay waxa uu la kulmay laba arrimood oo kala ah gudoonka uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle gaadhay ee u heelan Af-ka Soomaaliga iyo Suugaanta, iyo in la qoro ayuu la kulmay maskaxdiisi halkaas ayay ku dilaacday. Waxa kale oo uu turjumay Buugga la yidhaahdo Futuuxul Xabash, laba Buug oo kalena wuu ku tallo jiraa.”

“Aadan Beleloo waa qoraa, Waa Abwaan, Waa in-dheer-garad, waa nin abuurkiisu ku soo jiidanayo, waa nin dad jecel, waxaan leeyahay garabkaaga ayaanu taaganay ee wax qoro,” Ayuu yidhi Xaashi-Af-weyne.

Guddoomiyaha  Dawan Media Group,DMG, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) ayaa sheegay in buugani wax ka beddeli doono  dhallinyarada dalka oo xiisayn doona inay ciidammada ku biiraan si ay taariikh uga tagaan dalkooda.

“Dr.Aadan Xasan Aadan oo qoray buugan    waxa uu ii wakiishay in aan buugaagtan ku wareejiyo guddoomiyaha maxtabada  qaranka oo uu ugu deeqay,  marka laga yimaado   ciidammada Somaliland oo uu  buugani iyagana faa’iido weyn u yeelan doono. Dhallinyarada  dalka ee tahriibaysaa markay buugan akhriyaan waxay ku dhiirran doonaan inay ciidammada xiiseeyaan oo ay ku biiraan,”ayuu yidhi Mr. Sayid.

 

 

Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu bogaadiyay Shirkadda daabacada Buugaagta ee HEMO Books “Shirkadda Daabacada ee HEMO Books waxaan ku hambalyaynayaa kaalinta ay waddanka ugu jirto, waxaanan leeyahay halkaas ka sii wadda. “Buugga Xeeladaha Dagaalka (The Art Of War) wax baddan ayuu ku soo kordhinayaa dalkeena, gaar Ayaan ciidamada qalabka sida.”

Marwadii Hore ee Madaxweynaha Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay yidhi “Waxaan u mahad-naqayaa Ciidanka qaranka Somaliland oo waxaan leeyahay kaalintiini waad ka soo baxdeen, bandhiga Buuggan Xeeladaha dagaalka waxa uu ku saabsan yahay ciidanka waxaanan leeyahay ka faa’iideystaa. Sidoo kale waxaan u mahad-naqayaa dhamaan Saxaafadda Somaliland.”

Qoraa Cabdinaasir Ibraahim Axmed oo ku hadlayay Afka Safiirka dawladda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Md. Aadan Xasan Aadan (Aadan Beleloo)oo soo turjumay Buugga Xeeladaha dagaalka “Aadan Beleloo waxaamnu soo wada-shaqeynay marar baddan.Buuggan Xeeladaha dagaalku waxa uu ka kooban yahay 13 cutub, waxaana buuggan qorey nin la yidhaahdo SUN Tzu oo ah nin jaynis ah, ilaa imika buuggani waa buugga ugu horeeya marka laga hadlayo arrimaha ciidanka waa Buuga ugu iibka baddan, waxaana lagu soo turjumay luuqado fara baddan. Buuggan waxa uu mar hore Soomaali ku soo baxay 2014-ka, maanta waxaynu u fadhinaa tarmintii labaad.”

Qoraa Cabdinaasir waxa uu si qoto dheer u sharxay 13-ka tudub ee buuggani ka kooban yahay, isla markaana waxa uu bogaadiyay shirkadda HEMO Books oo iyadu maal-gelisay Buuggan.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qeybgalo bandhigga daah-furka buugga Xeeladaha dagaalka (The Art Of the War) oo uu qorey Saaxibkay Aadan Xasan Aadan (Beleloo). “Buuggan Xeeladaha dagaalku waxa uu ka kooban yahay 13 cutub, waxaanu muhiimad gaara u leeyahay oo uu khuseeyaa Ciidamada qaranka Somaliland. Markaan buuggan soo akhriyay waxyaabo baddan Ayaan kala kulmay oo I soo jiitay sida Guushu waa saacad kaliya oo aad Samirto iyo arrimo kale oo fara baddan, u tix-geli oo u arag askartaada sidaad u aragto Caruurtaada, iyaguna way ku hoggaansanaan  meel iyo xeelad walba ood ku sugan tahay”.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Caddare, Wasiiru-dawladaha Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Cabdiraxmaaan Axmed Ismaaciil Xirsi Qani iyo Maareeyaha Telefiishanka qaranka Khadar Maxamed Cakuule oo dhammaantood halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadleen qiimaha buuggan waxaanay ammaaneen  qoraagii soo turjumay  ee danjire Aadan Beleloo.

Ugu dambayn Aadan Beleloo oo martidii xafladaas telefoon kula soo hadlay ayaa u mahad celiyay dhammaan madaxdii, qoreyaashii iyo dadweynihii soo ajiibay inay goob joog u noqdaan gardaadinta buugan. Buugga Xeeladaha dagaalka (The Art Of War) waa buug ka caana guud ahaan adduunka, isla markaana inta baddan lagu dhigto kulliyadaha millatariga, waxaana lagu turjumay luuqado  kala duwan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply