Baarlamaanka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa u codeeyay oo taageeray aftida la qorsheeyay ee madaxbannaanida iyada oo mucaaradidi ka soo waajahdey caalamka oo dhan.
Dowlad goboleedka Kurdistaan oo markii u horeysay laba sano fadhidey kursiga ayaa taageertey jimcihii aftida oo loo qabtay in ay dhacdo 25 September.
Dowlad dhexe ee Ciraaq ayaa ku gacmo seydhay aftida oo ay ku tilmaantay mid qeyru dastuuri ah salaasadii.
Iiraan, Turkiga iyo Mareykanka ayaa iyana diidey codeynta.
Iiran iyo Turkiga oo labadaba ay ku dhaqan yihiin dad Kurdiyiin ah ayaa ka hadley diidmadooda, iyaga oo ka cabsi qaba in taageerada codeynta HAA ay taageeri doonto dhaqdhaqaaqyada gooni u goosad ee dalalkooda.
Mareykanka ayaa isna ka baqanaya in xidhiidhka kurdiyiinta iyo ciraaq oo xumaadaa dhaawaci karo dagaalka lagula jiro Daacish..
Waxa codeynta aftida la qorsheeyay Haa ku taageeray 65 xildhibaan, waxaana goluhu yahay 111 mudane, balse in ka badan 40 xildhibaan ayaa sida la sheegay ka maqanaa fadhiga.