Dhaqanka Hadyadaha ee Sucuudiga

0
476

Markii ra’isulwasaarihii hore ee Britain Winston Churchil uu booqasho ugu tagay boqorkii Sucuudiga Boqor Cabdicasiis Ibnu Sucuud , waxa uu ogaaday in haddiyaddii uu waday ee ahayd barfuumka qiimihiisu joogay $134 doolar aysan u dhigmin haddiyadii uu ka heley boqor Cabdicasiis oo ka koobnayd cumaamad xariir ah, waran iyo toorri dahab ka samaynaa iyo waliba kaatun dheemanka.

Islamarkii uu Britain ku soo laabtay, Ra’isulwasaare Churchil waxa uu amray in boqorka loo diro gaadhi ah nooca Rolls-Royce oo haddiyad ah. Xilligaas waxa uu ahaa markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana jiray culeys badan oo dhaqaale.

Xilligan hadda la joogo, madaxda adduunka isuma diraan haddiyado diyaarad ama baabuur ah, balse qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay illaa 83 shey oo haddiyad ahaan uu u heley madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kadib booqashadii uu ku tagay dalka Sucuudiga, waxayna tan muujinaysaa dhaqanka israafka ah ee Sucuudiga uu haddiyadaha ku siiyo madaxda Maraykanka.

Safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda Trump waxa uu kaga qaybgalay shirkii islaamka ee ka dhacay magaalada Riyaad ee Sucuudiga, halkaas oo boqor Salmaan uu Trump ku toomiyay haddiyado ka kooban warmo, tooreey, booshka rasaasta oo harag ka samaysan, dhar xariir ah oo kuulo lagu dahaadhay, cumaamado , dhar tarash iyo aliindi ah, kabbo , cadarro ugdoon, iyo waliba farshaxan gacanta lagu qoray.

Liiska haddiyadahan oo uu soo daabacay wargayska Daily Beast, isaga oo isticmaalaya xuquuqda warhelista ayaa waxa ay muujinayaan dhaqanka haddiyadaha ee Sucuudiga.

Balse hadyadahan ma ahan kuwa qaali ah sida uu qabo Cali Shibaxi oo ah agaasimaha Arabia Foundation.

“Barigii hore dowladaha gacanka waxa ay bixin jireen hadyado aad qaali u ah sida saacado, dahab iyo wixii la mid ah” ayuu yidhi.

Dhawaanahan hadyadaha waxa ay u badanyihiin kuwa ka turjumaya dhaqanka Carabta, sida farshaxanka oo kale.

Ellen Wald oo buug ka qoreysa Sucuudiga ayaa sheegtay in tirada hadyadaha ay ka turjumayaan tirada waftiga uu le’egyahay.

Sanadkii 2008-dii waftigii madaxweynaha Maraykanka la socday ee Sucuudiga tagay waxa uu qof kasta heley haddiyad gaar ah.

Sida uu qabo sharciga Maraykanka, Trump ma isticmaali karo gashiga haragga shabeelka ah iyo farshaxanada Sucuudiga soo siiyeen iyo dhammaan haddiyadaha kale.

Sharciga Maraykanka ayaa gabi ahaanba mamnuucaya in madaxda iyo saraakiisha dowladda ay qaataan hadyad qiimaheedu ka badanyahay $390 doolar.

Leave a Reply