Tuunisiya oo u Fasaxday Haweenka inay Guursan Karaan Ragga aan Muslimiinta aheyn

0
353

Dawladda Tunuusiya ayaa meesha ka saartay sharci dumarka u diidayay in ay guursadaan ragga aan Muslimiinta ahayn.

Arrintan ayaa timid bil ka dib markii madaxweyne Beji Caid Essebsi uu ku baaqay in meesha laga saaro sharcigaas.

Hadalkaas ayuu ku soo daray khudbaddii uu ka jeediyay maalinta qaran ee dumarka dalkiisa.

Markii madaxweynaha Tuniisiya uu ka hadlayay in sharcigan meesha laga saaro wuxuu ku macneeyay in uu caqabad ku noqday xoriyaddii xulashada lamaanaha.

Sharcigan hadda la laalay ee dumarka Tunisiya u diidayay in ay guursadaan ragga aan Muslimka ahayn wuxuu soo jiray tan iyo sannadkii 1973dii, haddana waxaa meesha ka saaray wasiirka caddaaladda.

Hadda ka dib raga aan Muslimka ahayn loogama baahno shahaado caddaynaysa in ay Muslimiin, marka ay rabaan in ay guursadaan dumarka Tunisiya.

Dad badan oo reer Tunisiya ah ayaa arrintan iyo sharciyo kale oo isbadal lagu sameeyay u arka tallaabo horrumar ah oo loo qaaday dhanka xuquuqda dumarka ee dalkaas.

Bishii Julay ee sannadkan baarlamaanka Tunisiya ayaa soo saaray sharci cusub oo dumarka ka difaacaya kufsiga iyo shaqaaqada kale ee guryaha ka dhaca.

Waxaa sidoo kale dastuurka laga saaray qaybtii ragga kufsiga gaysta ciqaabta ka saamaxaysay haddii ay guursadaan gabadhii ay faraxumeeyeen.

 

 

Leave a Reply