Hargeysa(Dawan)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo soo gutay waajibaadka Xajka ee sannadkan 1438- oo waafaqsan 2017-ka ayaa dalka ku soo noqday isla markaana ka hadlay kulamo ay la yeesheen madax ka tirsan dalka Sucuudiga iyo maalqabeeno danaynaya in ay Somaliland maalgashadaan.
Wasiirrada Arrimaha Gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdilaahi Ibraahin Habane(Cabdilaahi Dheere) iyo Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay soo gudashadii waajibaadka Xajka ka dib in ay kulamo la yeesheen madax ka tirsan dawladda Boqortooyada Sucuudiga iyo tijaar dalkaa u dhashay oo aad u danaynayay in ay maalgashadaan Somaliland waxaanay intaa raaciyeen in dhammaan kulamada ay la yeesheen madaxda Sucuudiga iyo tijaartuba in ay ku dhamaadeen jawi wanaagsan oo is afgarad ah isla markaana ay wadahadalada labada dhinac ay ahaayeen qaar Somaliland iyo Sucuudigaba dani ugu jirto siina xoojinaya iskaashiga labada dal.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ugu horrayn arrimahaa ka hadlayna wuxuu yidhi; “Marka hore waxaanu u tagnay soo gudashada waajibaadka Xajka oo aanu marti qaad rasmi ah ku tagnay markii aanu waajibaadka iyo faralka diiniga ah ee xajka aanu soo gudanayna waxaanu la kulanay madax ka tirsan dawladda Sucuudiga iyo maalqabeenu waawayn oo aad u danaynaya in ay dalkeena maalgashadaan waxaanan uga waranay sida dalkeenu uu u dihin yahay ee loo maalgashan karo iyaguna waxay diyaar u ahaayeen in ay dalkeena waxsoosaarkiisa maalgashadaan gaar ahaan xoolaha iyo beeraha waxaanay ahaayeen badankoodu tijaar dalka aqoon weyn u leh oo u diyaar ah dhawaanna way imanayaan dalka.”
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane oo isna ka hadlay,socdaalkooda ayaa yidhi. “Horta marka hore waxaanu ku tagnay soo gudashada waajibaadka Xajka oo dalka Boqortooyada Sucuudigu nagu marti qaaday iyadoo ay Boqortooyda Sucuudigu sanadkasta dawladaha Islaamka siiso tiro gaar ah oo ay casuumad u fidiso markii gudashada Xajku soo dhamaatayna waxaanu dawladda dalka Sucuudiga iyo tijaarteedaba la yeelanay kulamo aanu kaga hadlaynay danta Somaliland iyo wixii inoo wanaagsan ee ku xdhan dalka Sucuudiga oo ay ugu horrayso in aanu istaagin dhoofka Xooluhu taasoo aanu si wanaagsan isula qaadanay,waxyaabo badan oo kale oo danta labada dal ahna waanu ka wada hadalnay oo aanu si wanaagsan isu afgaranay.”
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo isna kelmad ka yidhi soo noqoshadooda,ayaa isna uga mahad naqay marti qaadka ay xaja ku soo guteen ee dawladda Sucuudigu u fidisay masuuliyiinta Somaliland.
Dawannews Hargeysa office