BBC-da oo Raaligelin ka Bixisay War Been ah oo ay ka Faafisay Somaliland

0
368

Hargeysa (Dawan) – Laanta af Soomaaliga ee idaacadda  BBC-da,  ayaa  raalingelin ka bixisay war   ay baahisay  maalinimadii Sabtidii  oo ay ku sheegtay in dirirta Soomaalida iyo Oromadu uu ka bilaabmay  laba qof oo lagu dilay  Somaliland.

 

Warkaasi oo xaqiiqada ka fogaa isla markaana liddi ku ahaa dawladnimada Somaliland waxa lagu marin habaabinayey    dadkii  ganacsatada ahaa  oo Somaliland ka soo jeeday oo  lagu dilay degaanka Oromada ee waddanka Itoobiya.

Weriye Axmed Cabdinuur oo daadihinayey baahintii duhurnimo ee idaacadda BBC-da shalay, ayaa raaligelin buuxda ka bixiyay  warkii ay sida been abuurka ah  u tabiyeen; “Ereyga cabasahada keenay waxa weeye,  war sheegayay in colaada hadda taagan ay ka bilaabmantay laba qof oo Oromo ah oo lagu dilay magaalada Hargeysa. Xaqiiqadu sidaa maaha, waxayna ku dhacday qalad dhanka turjumaada ah ee ula kac may ahayn. Waxaannu ka bixinaynaa raaligelin buuxda, waayo waxaannu ognahay in dilku ka bilaabmay dhinaca kale,”ayuu yidhi.  “Qofka dilka ka fuliyay dhinaca Somalilandna waxa la sheegay inuu ka cadhaysnaa dadka lagu laayay dhinaca Itoobiya,”  ayuu sheegay; “Sidaas  awgeed,  waxaannu mar kale raaligelin u jeedinaynaa intii dhibsatay eraygaas khaladka ahaa ee naga dhacay. Mahadsanidiin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply