Xisbiga UCID oo Iclaamiyay Shirweyne Lagu Dooranayo Murrashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka

0
434

Hargaysa (Dawan)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa shaaciyay shirweynaha golaha dhexe ee xisbigaasi oo lagu dooranayo murrashaxa  madaxweyne ku-xigeenka iyo xubno ka mid ah golaha dhexeba la qaban doonno 23-ka bishan September.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah shalay magaaladda  Hargaysa ugu qabteen xoghayaha guud ee xisbiga UCID Ismaaciil  Cabdi  Daahir, Guddoomiyaha ololaha u qaabilsan xisbiga UCID Eng. Axmed Xirsi iyo  guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Maxamed Cumar Jiir, waxay ka  shaaciyeen in shirkaasi uu 23-ka bishan ka qabsaoomi doonno hudheelka Adams ee magaaladda Hargaysa.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Maxamed Cumar Jiir,  oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkaasi ay iclaamiyeen iyo waxyaabaha laga filayo in uu saaxadda siyaasadda xisbiyadda Somaliland ku soo kordhiyo.Waxaannu yidhi “Xisbiga UCID wuxuu iclaaminayaa golaha dhexe ee xisbiguna og yahay inta ka joogta dalka gudihiisa, in 23-ka bishan September shirka golaha dhexe ee xisbigu ka dhici doono hudheelka Adams ee magaaladda Hargaysa. Waxaan ku wargelinayaa dadka goboladda fog fog ka imanaya ee golaha dhexe ee xisbiga ka tirsan  in ay si dhakhso ah u soo galaan Hargaysa, si ay uga soo qayb galaan shirka”.

“Shirkaasi waxa uu xisbiga UCID ku soo bandhigi doonaa waxyaabo badan oo wax badan ka beddeli doonna saaxadda siyaasadda, halka ay imika ka daaleen labadda xisbi ee kale ee Kulmiye iyo Waddani, iyadoo ololahoodiina wakhtigii caadiga ahaa ee loogu tallogalay  oo uu shaacin lahaa komishanka doorashooyinku ka hor dhacayo, lana moodo imika daal badani in uu ka muuqdo.

Waxaa maanta la soo gaadhay xiligii ku munaasibka ahaa ee xisbiga UCID uu saaxadda siyaasadda somaliland min bari ilaa galbeed  uu ka bedeli lahaa wax badan,” ayuu yidhi Maxamed Cumar Jiir.

Xoghayaha  guud ee xisbiga UCID Ismaaciil  Cabdi  Daahir, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga UCID uu muddo ka fiirsanayay sidii uu u soo magacaabi lahaa ama loo soo dooran lahaa musharaxa madaxweyne ku-xigeenka, iyadoo  waxyaabaha uu xisbigu ka dhursugayay ayay ka mid ahaayeen inta la dhamaystirayo wadahadaladda Khaatumo.Si loo hello qaybaha beelaha Somaliland ee ka maqnaa saaxadda siyaasadda sidaas darteedna maadaama oo hadda guullo badan laga gaadhay wadahadaladda Khaatumo iyo Somaliland in hadda la gaadhay wakhtigii lagu dhisi lahaa xilalka weli ka dhiman xisbiga UCID.” Xisbiga UCID waxa markii saddexaad u ah murrashaxooda madaxweynaha Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo laba jeer oo hore  u tartamay madaxweynenimo balse aan ku guulaysan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply