Qarammada Midoobay oo Fursad Kale Siisay Hoggaamiyaha Myanmar

0
378

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Guterres ayaa mar kale ugu baaqay hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi,in ay soo afjarto howlgalada militari ee ku qasbay kumanaanka kun ee qof ee ah muslimiinta Rohingya in ay u qaxaan Bangladesh.

Mr Guterres ayaa u sheegay BBC in Aung San Suu Kyi ay haysato fursad ay dib u eegis ugu samayn karto xaaladda marka ay khudbadda u jeedinayso qaranka salaasada soo socota.

Mr Guterres ayaa sheegay in haddii aysan imika talaabo qaadin ay musiibada noqon karto mid naxdin leh.

Xoghayaha guud ee qaramada Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay in dadka rohingya loo ogolaado in ay dalkooda dib ugu laabtaan.

Waxa uu sheegay in ay iska caddahay in uu jiro cadaadis ka imanaya militariga Myanmar.

Qaramada midoobey ayaa hore ugu tilmaamtay waxa  ka socda Myanmar isir sifeyn.

Aung San Suu Kyi oo hore loo siiyay abaalmarinta nabadda ayaa imika wajahaysa cadaadis xoogan oo ku saabsan in ay wax ka qabato howlgalada militari ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya.

Dad gaadhaya 400,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka qaxay Myanmar islamarkana gaadhay dalka dariska la ah ee Bangaladesh.

 

Leave a Reply