Kulan Saddex Geesood ah oo lagu Lafo-guray Xeerka Anshaxa Saxaafadda

0
322

Hargeysa (Dawan)- Kulan lagu falanqaynayay xeerka anshaxa saxaafadda ee xiliga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay lagu qabtay Hudheelka  Guleed ee magaalada Hargeysa, waxaana kulankaasi lagu lafo-guray sidii wax ka beddel iyo kaabis loogu samayn lahaa xeerkaasi, isla markaana loo ansixin lahaa.

Kulankan waxa ka qaybgalay wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) madaxda ururrada saxaafadda Somaliland ee SOLJA iyo WIJA, masuuliyiinta warbaahinta dawladda, sida Telefiishanka Qaranka, Radiyo Hargeysa, wargeyska Dawan iyo madaxda warbaahitna maxaliga ah ee madaxa bannaan.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Komishanka doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan:-

“Maanta oo bishu tahay 19/09/2017 waxa kulan lagaga hadlayey ama lagu falaqeynayay xeerka anshaxa saxaafada ee Doorashada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland 13/11/17 lagu soo bandhigay Hotel Guuleed. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman Warsame, Guddoomiye ku xigeynka Komishanka Maxamuud Waceys iyo Cabdi Fataax Ibrahim oo xubin ka ah guddida doorashadas. waxa kale oo ka mid ahaa ka soo qaybgalayaashii kulankan Wasiirka wasaaradda warfaafinta Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, xubno ka tirsan saddexda xisbi qaran, Ururka SOLJA, Ururka WIJA, Akadamiyada Nabada, SONSAF, Wasaarada warfaafinta masuuliyiin ka kala socda TV-ga io Radio Hargeysa, Saxaafada madaxa bannaan iyo suxufiyeen kale oo ka kala socday ururada saxaafada.

Kulankan oo lagu soo bandhigaayay xeerka anshaxa saxaafada ee Komishanka doorashooyinka qaranak, ee dhanka Doorashada madaxtooyada oo ay soo gudbiyeen Garyaqaanka Komishanka mudane Xasan Faarax Maxamed iyo madaxa Saxaafada iyo xidhiidhka Bulshada Eng Saciid Xasan Sheekeeeye.

Ugu horreyn waxa goobtaas soo dhaweyn iyo sharaxaad ka bixiyay Guddoomiyaha Komishanka Cabdiqaadir IImaan xeerkan iyo faa’iidada uu u leeyahay saxaafada iyo komishankaba, waxa kale oo uu u soo jeediyay dhamaan inta ay khuseyso xeerkani ee maanta iskugu yimi madashan in ay si qoto dheer u lafa guraan xeerkan wixii lagu darayo ama laga badelayana la isla eego si loo meelmariyo xeerkan.

Waxa kale oo halkaas hadal kooban ka soo jeedshay Wasiirka warfaafinta oo ku amaanay Komishanka doorashooyinka sida ay ugu dadaalayaan hawlaha doorashada iyo sidii hufanayd ee ay u fuliyeen hawlo badan oo ay ka mid ahaayeen kaadh qaybintii iyo diiwaangalintiiba, dhanka kale wasiirku waxa uu iftiimiyay in meelo kooban u baahan yahay xeerku in dib loogu noqdo.

Xisbiyada qaranka, masuul ka kala socday ururka saxaafadda ee SOLJA iyo WIJA ayaa dhamaan hadalka qaatay iskuna wada raacay in loo baahan yahay in meelo kooban laga soo hagaajiyo xeerkan dibna la iakugu yimaado lana ansaxi maadaama waqtiga haday uu kooban yahay. Sidoo kalana waxa la isla qaatay in dib loo eego (baraha Social media ha).

Gabagabadii waxaa sharaxaad dheer ka bixiyay xeerkan anshaxa saxaafadda iyo faa’iidooyinkiisa Garyaqaanka guddida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Faarax Mahamed, isaga oo intaasti kadibna u furay ka soo qayb galayaashii wixii su’aalo ah ee ay qabeen.

Gabagabadii waxa kulankaas soo xidhay  Madaxa Saxaafada iyo xidhiidhka Bulashada ee Komishanka doorashooyinka Saciid Xasan Sheekeeye oo ugu mahad naqay ka soo qayb galayaasha kulankan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply