Badhasaabkii Hawd oo is Casilaadiisa ku Sifeeyay Culays Kaga Yimmi Beeshiisa

0
363

Hargeysa (Dawan) Badhasaabkii Gobolka Hawd Ibraahim Xasan Cali,  ayaa caddeeyay  in uu iska casilay xilkii guddoomiyenimo, waxaannu ku sababeeyay is casilaadiisu ka dhalatay culeysyo kaga yimid gobolka uu madaxda ka ahaa  iyo dhinaca beeshiisaba.

Mr. Ibraahim waxa uu madaxweynaha omaliland, uga mahadceliyay muddadii uu la soo shaqeeyay iyo xilkii uu u magacaabay ee guddoomiyaha gobolka Hawd.

 

“Anigo oo ahaa badhasaabkii gobolka Hawd, ayaan doonayaa inaan ku dhawaaqo inaan iska casilay badhasaabkii gobolka Hawd, iyada oo ay jiraan culays igaga imanaya degaanka aan ka soo jeedo iyo kii aan guddoomiyaha u ahaa labadaba,”ayuu yidhi Ibraahim Xasan Cali, waxaannu intaas ku daray; “Iyada oo muddo badan oo saddex sannadood ah aan doonayay oo aan ka fikirayay in aan is casilo, waxa haddana in badan aan xeerinayay oo aan tixgalinayay madaxweynaha xilka ii magacaabay oo sharaf iga mudan runtii oo ah  nin daacad ah wax-qabad leh ah.”

 

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland, aniga oo uga mahadnaqaya muddadii aanu soo wada shaqaynay Waxa kaloo aan doonayaa inaan tixgeliyo bulshada iyo gobolka aan gudoomiyaha ka ahaa oo culayska ay igu hayeenna aanan xamili karin dadweynihii gobolka Hawdna waan u mahadcelinayaa gudo iyo dibadba sidii ay iila soo shaqeeyeen,”ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee gobolka Hawd.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply