Wasiir Caddaani oo Sheegay in Xeerka Anshaxa Saxaafaddu wax Weyn ka Tarayo Doorashada

0
374

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani),  ayaa sheegay in xeerka anshaxa saxaafaddu uu wax weyn ka tari doono xiliga doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyay dhinacyada uu xeerkani khuseeyo in marka laga doodo, isla markaana la ansixyo qodobada ka soo baxa aanay noqon wax hadhaw lagu murmo ee uu noqdo mid lagu kala baxo, marka la gaadho wakhtiga doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13ka November ee sannadkan.

 

“Halkan waxa loo joogaa sidii aynu u samayn lahayn anshax warbaahineed oo saxaafadda qaranka Somaliland oo dhan ah, cid kastaana ku kalsoon tahay, waxaana muddo la haystay meel laga tixraaco, oo haddii wax lagu darayo iyo haddii wax laga saarayaba intuba ay bannaan tahay,” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda warfaafintu, waxaannu intaas raaciyay “Qodobka muhiimka ah ee jiraa waxa weeye, in waxa halkan ka soo baxayaa aanay noqon berri wax la isku qab-qabsado ee wax caddaanna ay noqoto, oo qof kastaaba marka uu arko uu fahmi karayo oo eray bixin sharci lagu qoro oo hadhaw madaxa la isla galo, dhibkeeda ayay yeelaneysaa.

 

Markaa waxaannu soo jeedineynaa inay noqoto wax caddaan ah, waanu eegnay doorashaduna waxay tahay mid ay wada sugayso qaranka Somaliland oo dhan oo  loo wada fikirayo,”ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply