Xisbiga UCID oo Maanta Dooranaya Murrashaxoodii Madaxweyne ku-xigeenka & Xubno Kale

0
390

Hargaysa (Dawan)- Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID,  ayaa maanta magaalada Hargaysa ku  yeelanaya  shirweyne aan caadi ahayn oo lagu dooranayo murrshaxa  jagadda  madaxweyne ku-xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha dhexe iyo guddiga fulinta ee xisbigaas mucaaradka ah.

Shirkan  oo ay Arbacadii toddobaadkii hore  iclaamiyeen  masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID,  ayaa la sheegay in ay ka soo qaybgeli doonaan guddoomiyaha ahna murrashaxa  madaxweynaha Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha golaha dhexe, guddiga fulinta UCID iyo  ergooyinka xisbiga oo  kala imanaya gobollada iyo degooyinka dalka.

Waxa la sheegay in kursiga madaxweyne ku-xigeenka xisbiga UCID loo dooran doono masuul ka soo jeeda gobollada bariga Somaliland gaar ahaana  Sanaag iyo Sool, iyadoo ay noqonayso markii u horaysay oo shaqsi ka soo jeeda gobolladaasi uu murrashax madaxweyne ku-xigeen ka noqdo xisbiyada Somaliland.

Masuuliyiinta UCID ayaa  balanqaaday in shirkan maanta u furmaya ay ka soo bixi doonto isbeddel siyaasadeed oo saameeya waddanka oo dhan.

“Waxa   la soo gaadhay xiligii ku munaasibka ahaa ee xisbiga UCID uu saaxadda siyaasadda Somaliland min bari ilaa galbeed  uu wax badan ka bedeli lahaa,” sidaas waxa yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga UCID,  Maxamed Cumar Jiir, oo Arbacadii la hadlay warbaahinta.

Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii saddexaad u tartamaya madaxweynenimo, isagoo aan ku guulaysan labadii doorasho madaxtooyo ee waddanka ka kala qabsoomay sannadihii 2003 iyo 2010-kii.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply