Hargaysa (Dawan)- Wasiirka WasaaraDda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland, Faraxaan Aadan Haybe, ayaa ka war-bixiyay dhulka koonfureed ee Madaarka Hargaysa oo Madaxweynuhu xayiray 1200 oo Miter oo ka baxsan Xayndaabka Madaarka Cigaal International Airport .
Wasiirku waxa kaloo uu ka hadlay Qaadka ka soo dega Madaarkaas iyo arrimo khuseeya maamulka Hawadda sare.
“Horta dhulka waxa maamusha Wasaaradda Hawlaha Guud sida xeerarka qaranku sheegayaan, waana Hanti qaranku leeyahay annaga waxa uu naga soo gelayaa waa raadkaa uu madaarka ku leeyahay ee madaarka loo joojiyey, runtii wareegto ayuu hore uga soo saaray Madaxweynuhu, Wareegtadaasi waxa ay sheegaysaa inaan 1200 mitir loo so jirsanin Dhulka koonfureed ee Madaarka,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa shalay.
Waxaanu intaas ku daray; “Sababta Madaxweynuhu u lex-jeclaynayeyna wax kale may ahayn in aanu noqonin dhulkaasi haddii Madaarku maanta hal Runway ayuu leeyahay, Diyaaradaha yimaada waad ogtihiin waanay soo kordhayaan, Diyaarado badan oo caalami ah ayaa iminka naga soo dalbaday in aanu siino ogolaanshiiyo oo wadahdalkii noo socdaa. Markaa mar kasta oo diyaaraduhu soo kordhaan Maadaama aynu nahay dalka adduunka Aqoonsi ka raba oo soo jiidanaya indhaha adduunka, afaafka laga soo galayo dalkuna waa Madaarrada.”
Wasiir Farxaan Aadan waxa uu sheegay in madaarka Hargeysa u baahan yahay dhabo cusub, waxaannu yidhi; “Madaarku waxa uu u baahan yahay in dhabo labaad oo cusub (Runway) loo sameeyo, Dhulka laga samayn karayaana maaha dhulka maanta madaarku leeyahay ee u xayandaaban, waxa qayb ka ah dhulka ka baxsan, waxaanan qirayaa Dhulkaa in dad Shacab ahi leeyahay, Dhulkaa wixii Xayandaabka ka baxasan ee 1200 ee Mitir ah ee Madaxweynuhu xayiray, Dad Shicib ah Hantidoodii weeye oo iyaga ayaa iska leh, Dawladduna kuma haysto oo ma laha lahaanshiyihiisa, kumana muransana.”
“Waxa la isweydiinayaa waxa weeye dhulkaasi waxa uu anfacayaa Madaarkee, haddii hadda dhisme loo ogolaado, taasina waxay noqonaysaa dee beri hadii Madaarka la is yidhaa ballaadhiya in xaafadanba laga raro oo Hargaysa laga raro, taasina qiimo weyn ayay nagu tagaysaa, markaa waxa uu Madaxweynuhu wareegtada ku soo saaray in aan dhulkaa wax dhisme ah oo rasmi ah laga dhisi karin,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista.
Wasiirka oo ka hadlaaya Qaadka ka soo dega Madaarka Hargaysa, wuxuu yidhi; “Qaadku waa hadimo dhaqaale, caafimaad iyo mid bulsheedba, runtii saamayntiisu mar walba waa mid muuqata maalmihii hore waxa iman jiray afar diyaaradood oo qaadka inta badan ka keenayay Nairobi. Runtii saamayn buu leeyahay shirkadaha ka shaqeeya laftooda dhib ayaa ka haysa. laakiin waxaanu isku daynay inaanu u samayno hab aanu ku xakamayno markaa waxaannu u samaynay parking gaara oo Diyaaradaha qaadku istaagaan laba gaadhi oo qudha ayaa loo ogol yahay waxaanay soo galaan qaybta kastamka shirkadda qaabilsan adeega ka soo rogista iyo rarista ayaa kasoo rogta dabadeedna kastamka ayaa laga cashuuraa. Runtii Madaar ahaan cuslays na soo fuulay ma jiro.”
Wasiirku waxa uu iftiimiyey in aanay jirin Hawo Soomaaliya lagu wareejiyay, waxaannu yidhi; “Waxaan caddaynayaa ma jirto Hawo cid lagu wareejiyay ICAO idinkuba toos baad ula xidhiidhi karaysaan markaa ICAO ayaa maamusha Hawada weli ilaa imika ma jiro qalab shaqaynaya oo lagu maamulo Hawada oo la geeyay muqdisho qalabkii maalintii dhawayd la soo bandhigay waxa uu ahaa Saadaasha Hawada (metrology), metrology iyo Aviation waa labo shay oo kala duwan. Waxaan jeclahay inaan xaqiijiyo inanay jirin cid Hawada lagu wareejiyay hawadana ilaa hada laga maamulo Nayroobi qalabkaasina waxa uu ahaa metrology kuwoodii oo la midana waxaanu ku rakibaynaa Hargeisa imika waxa la dhigayaa seeskii.”
Dawannews Hargeysa office