Komishanka Doorashooyinka oo Shir Wada Tashi ah la Yeeshay Ganacstadda Dalka

0
381

Hargaysa (Dawan)- Guddiga  Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa shalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka iyo Rugta ganacsiga Somaliland.

Kulankaasi oo ka qabsoomay  xarunta guddiga  doorashooyinka ee magaalada Hargeysa,  waxay ganacstada ugu soo bandhigeen kaalinta ay bulshadda ku dhex leeyihiin iyo saamaynta ay ku yeeshaan xiliyadda  doorashooyinka.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland, C/qaadir Iimaan Warsame, oo shirkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeeddada kulanka ay la yeesheen Ganacsatada, ayaa  tilmaamay kulankaasi  mid  looga gol-leeyahay  sidii  Ganacsatada  iyo komishanku  uga wada socon lahaayeen arrimaha la xidhiidha doorashadda madaxtooyadda ee inagu soo foolka leh.  Waxaanu yidhi “Waa in qollo kastoo  lexejeclo ka qabta wadanka  aanu aragno, oo aanu lexejecladaa-na tusno, isla markaana ka wada tashano, la iska-na war hayo, oo haddii ay  Ganacsatada tahay, haddii ay culimadda tahay iyo haddii ay dadka caadiga ah tahay-ba, aynu ka war hayno geedi-socodka doorashadda  ay inooga hadhay mudadda bisha iyo dheeraadka ah”.

Waxa kaloo uu sheegay guddoomiyaha gudiga doorashooyinka in komishan ahaan ay si aad ah ugu diyaar garoobeen qabashadda doorashadda, isla markaana qaybtii u horaysay ee qalabka loo adeegsanayo doorashadda ay Sabtidii doraad dalka soo gaadheen, iyadoo la filayo in qaybta ugu danbaysaana ay dalka soo gaadhi doonto 13-ka bisha October  ee soo socota.

“Waxaanu idiin sheegaynaa in aanay xagayaga (komishanka), anagoo la kaashanayna ILLAAHAY (SWT)    aanay waxba naga xumayn.   Farsamo  ahaana diyaar ayaanu u nahay qabashadda doorashadda. Waxaana  shalay (doraad)  inoo soo degay qalabkii, waanu is-daba socdo, iyadoo qaybta  ugu danbaysa qalabka lagu qabanayo doorashadda  uu iman doono bisha October 13-keeda.

Bisha October 20-keedda ama 21-keedda ayaanu ololaha doorashadda madaxtooyadu bilaabmayaa.  Inta ka horaysa ololaha ayaanu jeclaysanay  in aanu la hadalno dadka, qolooyinka qaadhaan bixiyeyaasha ah (donors) waanu la kulanay kulamo  ayaanu iyagana yeelanay, cid kastaa-na way og tahay meesha la marayo, waxa inoo qabsoomay iyo meesha aynu u socono”ayuu yidhi C/qaadir Iimaan Warsame.

C/fataax  Ibraahim Xasan,  oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ganacstadda u sheegay in ganacsatadu ay saamayn aad u weyn ku leeyihiin dalka, isla markaana meel kastaba uu ganacsigoodu yaallo.

Sidaas darteed-na looga baahan yahay Ganacsatada in ay ka shaqeeyaan nabadgelyadda maadaama oo aanay ganacsatadu ka maarmi Karin nabadgelyadda.  Waxaanu yidhi “Ganacsatada waxoodu ma aha wax ku kooban  qayb ka mid ah bulshadda, waa cid kastaba cid gaadhi karta.  Dhinacyadaa kala duwan gaadhi taankooduna, oo ay dhinaca wanaagsan u tusaan, iyaduna waxay saamayn wanaagsan ku yeelan kartaa in natiijo wanaagsani ay doorashadda ka soo baxdo.

Ganacsatadu waxay door laxaad leh ku leeyihiin qabsoomida  doorashadda, ka hor markay dhacayso iyo kadib markay dhacdo, intaba way ku leeyihiin.  Markaa maanta (shalay)  arrinta aynu u joogno  nuxurkeedu  waxay tahay, doorka ay ganacsatadu ku leedahay doorashadda”.

Dhinaca kale ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil),  oo ku hadlayay Af-ka Ganacsatada oo kulankaasi ka  hadlay  ayaa hoosta ka xariiqay ka ganacsato ahaan in aanay marnaba danni ugu jirin in wax rebshado ah ay dalka ku yimaadaan xiliga doorashadda.

Dahabshiil, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi “Anagu waxaanu nahay ganacsatadii, dhibaato ma rabo.  Wax baa naga daadsan, Beedkaas (caruurta) ayaa naga yaalla, dalkana waanu aaminay, xarumihii ganacsigayaga ayaana ku yaalla. Dhulka kale waanu soo mar-marnaa uune, xaruntayadu waa halkan (Hargaysa), meesha carruurtii noo taallo, meesha lacagtii noo taallo,  meesha aanu aaminay ee waxayagii ay noo yaalaan waa dalkan Somaliland ama magaaladan (Hargaysa).

Ma doonayno intaa in le’eg oo dhibaato ahi in ay dhacdo, xataa in mudaharaad dhaco dooni mayno, in  muran dhaco ma rabno. Wixii aanu qaban karno waanu qabanaynaa anagu (Ganacsatada), waanan ka odayaynaynaa,  waanan  la hadlaynaa. Kolay Gari laba nin kama wada qoslisee”.

Guddoomiyaha  Rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac, oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in danta dalka, dadka iyo  ganacsataduba ay ku jirto in doorasho wanaagsan oo aan keenin wax rebshado ah ay dalka ka dhacdo.

Sidoo kale-na sumcadda komishanka doorashooyinku ay ku jirto  doorashadda oo si qurux badan u dhacdo iyo natiijadda oo ay dhinacyadda tartamayaa aqbalaan.   “Anaga (Ganacsatada) dantayadu waxay ku jirtaa nabadgelyo, ninkii taa (nabadda) wadda ayuunbaanu saaxiib nahay. Ninkii ta kale (nabadgelyo darro) wadda ayuunbaanu col nahay.   Waayo? Haddii nabadgelyo darro ay dhacdo cidda Beedkoodii dhulka ka yaallaa waa anaga (Ganacsatada), ee ay saamaynta kowaad ku yeelanayso.

In doorashadu  ku dhacdo sidaa quruxda badan ee aad u sharaxdeen, dantiina iyo dantayaduba way ku jirtaa, oo isku dan ayaynu nahay. Idinkuna (komishanka) gar-sooreyaal ayaad tihiin, oo dantiinu waxay ku jirtaa gartiina in la qaato, xukunka haddii la qaato  nabadgelyo darro dhici mayso, oo nabad ayaa jirta. Cabsidu waxay imanaysaa, haddii garta la diido. Markaa labadeenaba (komishanka iyo ganacstadda) danteenu waxay ku jirtaa in xukunkiina la qaato”ayuu yidhi Maxamed Shukri.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply