Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay 4 Caruur ah oo ku Dhintay Dab Qabsaday Guri ku Yaalla Hargeysa

0
365

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga Somliland ka tacsiyadeeyay afar caruur ah oo walaalo ah oo ku geeriyooday  dab qabsaday gurigoodii oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa kaloo uu ilaahay uga baryay inuu shaadiyo Hooyo Khadra Aadan Xuseen oo iyadana dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyada, Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr). “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtii xalay (habeen hore) 24.09.2017 dabkii ka qarxay Xaafadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf waayey kuwaasi oo ahaa afar caruur ahi, halka Hooyadoodna   dabkaa ku dhaawacantay . Caruurtaasi oo lagu magacaabi jiray Suhur Maxamed Ismaaciil oo 13 jir ahayd,  Marwo Maxamed Ismaaciil oo 8 jir ahayd, Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir ahaa iyo  Nimco Cabdi Ismaaciil 2 jir ahayd,”ayaa lagu yidhi dhambaalka  tacsida ah  ee madaxtooyada.

“Madaxweyne Axmed Siilaanyo  wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Xuseen, waxaanu madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo Khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu  Alle caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynuhu waxa uu qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryay inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu beddelo,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka madaxtooyada.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka Dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland sareeeyo guuto Axmed Xasan Sawaaxili ayaa ka hadlay caruurta ku gubatay gurigaas. Waxaanu dadweynaha reer Hargeysa ka codsaday in ay jidadka u banneeyaan gaadiidkooda marka ay ku jiraan gurmadka.

“Masiibadaas waanu ka gurmanay, wixii aanu wax ka qaban kareynayna waanu ka qabanay, hase ahaate qadarka Illaahey lama oolin karo, inta badana bakhtiinta dabku waxa ay ku xidhan tahay hadba sida loola soo xidhiidho xarunta ciidanka Dab-damiska, dabkana waxa uu guuriga qabsaday saacaddu markay ahayd 3:22 habeenimo, xiligaasina cid soo jeeday ma jirto, waana ta keentay in qayla-dhaanta dabkani ay dib u dhacdo,” ayuu yidhi Taliyuhu, waxaannu  intaasi raaciyay;  “Inta badan marka naloo yeedho ayaanu tagnaa goobaha dabku qabsado, laakiin maadaana reerku ahaa reer danyara, waxay waayeen qalabkii isgaadhsiinta ee ay nagula soo xidhiidhi lahaayeen, marka waa sidaas sida ay wax u daaheen, habeen iyo maalinbana heegan baanu u nahay inaanu u gurmano ciddii dab qabsado, in goobaha dabku ka kaco aanaan hore u gaadhina waxa sabab u ah gaadiidkii iyo dadkii ayaan wadooyinka noo banneynin, qayla-dhaanta aanu qayla-dhalaamineyno dad iyo duunyo ayaanu soo nabad-galineynaa, dadweynahana waxaan ugu baaqaya marka ay qayla-dhaanta gaadiidka noo gaarka ah maqlaan inay noo banneeyaan waddooyinka, isla markaana ay ogaadaan inaanu dad soo badbaadinayno.”

“Goobtii masiibadani ka dhacday marka aanu gaadhnay waxa nagu adkaata bakhtiintii guriga, waayo dadkii ayaa nagu soo xoomaya oo meel aanu u marnaba aanan ka helayn, marka dadkii aanu isku dayno inaanu gurigii ka saarnana dagaal ayay nagu bilaabayaan oo baabuurtii ayay shiidayaan, markaa dadweynaha waxaan u soo jeedinayaa Dab-damisku waa gargaarihiina, waana nabad-galiyihiina, waxaanay nimankaasi nafta u hureen inay soo badbaadiyaan cid kasta oo ay waxyeelo ka soo gaadho maalkooda iyo naftooda” ayuu yidhi sarreeyo guuto Axmed Xasan Sawaaxili.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply