Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ku Geeriyooday India

0
315

India(Dawan)- Alle ha u naxariistee  Xildhibaan Marxuum-Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  xalay ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla waddanka Hindiya oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa maalmihii u dambeeyay.

Alle ha u naxariistee Marxuum- Cabdiraxmaan Talyanle waxa laga soo doortay gobolka Sanaag, waxaanu ka mid ahaa siyaasiyiintii kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii iyo dawlad dhiskii Somaliland.

Marxuum-Cabdiraxmaan Talyanle wuxuu ahaa siyaasi kalsooni iyo hal-adayg ku sifoobay, wuxuu dalka ka soo qabtay  xilka  maareeyihii madbacada qaranka xilligii Marxuum-Cigaal. Waxa kaloo uu noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbal xaakimka KULMIYE.

Marxuumku wuxuu xiligan ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanu   6dii Ogos ee la soo dhaafay u tartamay xilka guddoomiyaha golaha wakiillada, oo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax kaga guulaystay hal cod kadib markii ay kala heleen 38 iyo 39 cod.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply