Xukuumadda oo Jaamacadaha Dalka ugu Baaqday Tayeynta Waxbarashada

0
373

Burco (Dawan)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu baaqay jaamacadaha waddanka inay ku tartamaan dhinaca tayada waxbarashada si ay arday aqoon leh u soo saaraan.

Waxa kaloo uu sheegay in hirgelinta waxbarashada sare ee Somaliland loo soo maray jid dheer. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sidaas ka sheegay shalay oo uu xadhiga ka jaray farac cusub oo jaamacadda Shiffo University ka furatay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

“Runtii muddo badan ayaynu soo rafaadaynay, muddo badan ayaynu waddanka soo yab-yabnay oo aynu ka shaqaynaynay qarankeennu u noqon lahaa qaran taabo-gala iyo dawlad cagaheeda isku taagta, jaamacadaha iyo wakhtigii ay soo bilaabmeenna waad garanaysaan, maantana waxa aynu maraynaa wakhtigii horumarka, sidaa darteed,  waxaa loo baahan yahay in ay jaamacadaheenu ku tartamaan tayo iyo wanaag,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici. Waxa kaloo uu hambalyeeyay  masuuliyiinta Jaamacadda Shiffo, waxaannu yidhi “Waxaan hambalyaynayaa oo aan bogaadinayaa una ducaynayaa Jaamacaddan Shiffo University, faraceeda cusub ee magaalada Burco, oo aan maanta nasiib u yeeshay in aan xadhiga ka jaro, waanan bogaadinayaa madaxdeeda, guddideeda iyo ciddii asaastay jaamacadda.”

 

Guddoomiyaha Shiffo University Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, isaga oo bulshada reer Togdheer ugu baaqay in ay ka helayaan waxbarasho tayo leh, waxaannu yidhi “Jaamacaddan magaceeda waxaa la yidhaahdaa Shiffo, reer Burcana waxaan leeyahay waxaad ka helaysaan waxbarasho qiimo badan isla markaana tayo leh.”

 

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Saleebaan Ramaax,  ayaa soo dhaweeyay faracan cusub ee Shiffo, waxaannu jaamacadaha dalka ugu baaqay in ay ku dhaqmaan shuruucda dalka, waxaanu yidhi “Waxaan rajaynayaa in ay jaamacadani noqoto mid ku socota shuruucda gobol ahaan iyo dawlad ahaan ba inoo taala, waxaa farxad noo ah maanta in aanu jaaniskan kaga faa’iidaysanay oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo halkan u yimmi safar shaqo uu maanta xadhiga nooga jaray jaamacadda.”

 

Dhinaca kale, waxaa iyaguna madashaasi hadal ka jeediyay Maayar ku xigeenka magaalada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday iyo madaxa suuq geynta jaamacadda magaalada Burco, Maxbuub Xuseen Ismaaciil, waxaanay dhammaantood tafaasiil  ka bixiyeen faa’iidada ay leedahay waxbarashadu iyo waxtarka ay jaamacadani u yeelan doonto Burco.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply