Xildhibaan ka Tirsan Wakiillada oo Shaaciyay Inuu ka Baxay Waddani

0
396

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in uu si rasmi ah uga baxay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana uu ku biiri doono xisbiga Kulmiye.

Xildhibaanka oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta,  ayaa amaanay  murrashax Muuse Biixi oo uu xusay inuu yahay ninka kaliya ee maanta dalka ka saari kara duruufaha ku soo foolka leh.

 

“Arrinta ku aadan in aan ka bixay xisbiga Waddani kuna biiri doono maalmaha soo socda xisbiga Kulmiye waa arrin sax ah. muddo ku dhawr sannadood iyo dheeraad ah wax hawlo ah oo aan la qabtay xisbiga Waddani may jirin, waxaanan ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga Waddani, aniga oo ka soo baxay xisbiga UCID oo laygana  soo doortay gobolka Togdheer.waxaan muddooyinkii ugu danbeeyay ka fikirayay mustaqbalka Somaliland halka uu tagayo, markaan eegay saddexda murrashax ee xisbiyada waxa aan is waydiiyay yaa Somaliland ka badbaadin kara duruufaha ku soo foolka leh oo ictiraaf u keeni kara, si aynu adduunka uga mid noqono,” ayuu yidhi Xildhibaan Naasir.

Xildhibaanku  waxa uu sheegay in siyaasaddu  aanay ahayn wax meel taagan ee ay la socoto wakhtiga is beddalaya iyo duruufaha hadba taagan, waxaannu yidhi;  “Siyaasadu wax meel taagan maaha waxaana ay la socotaa wakhtiga iyo duruufaha taagan.Cabdiraxmaan Cirro waa saaxiibkay, 20 sanno ayaanu wada shaqaynay.Muuse Biixi Cabdi waa nin dalka u soo halgamay, waana ku haboon yahay in xilka madaxweynenimo ee dalka loo dhiibo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply