Baskii Saddexaad oo ku Gubtay Hargeysa Iyo Cabsida Iskaashatadooda

0
384

Hargeysa (Dawan)-    Baskii saddexaad ayaa shalay ku gubtay caasimada Hargeysa,  waxaanu noqonayaa kii saddexaad ee lagu gubo istaanka basaska ee Jigjiga yar saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Waxay dhacdadan ugubka ahi noqotay mid dhakafaar ku riday  shacabka iyo   iskaashatada basaska Hargeysa. Baskan u danbeeyay ee gubtay waxa  shalay galab dirqi ku bakhtiiyey  ciidanka Dab-damiska iyo dadweyne iskaashanaya. Waxa goobta tagey guddoomiyaha iskaashatada basaska caasimadda Hargeysa, Cabdirixiin Maxamed Yuusuf, waxaanu  sheegay in kiiska basaskan loo xidhay   dad ku eedaysan inay ku lug leeyihiin falkan.

“Arrintani waa dhacdo  ugub ah  oo nagu cusub waxaanay  dhacday   23-kii bishan,24-kii bishan, maanta (Shalay)  oo 26-kii September oo saddex bas la gubay, si wanaagsan ayaa looga gaadhay booliska ayaana gacanta ku haya,”ayuu yidhi gudoomiye Cabdirixiin Maxamed, waxaanu intaas ku daray; “Ciidanka  booliska ayaannu ka war sugeynaa ciddii waxan ka danbeysay. dad falkan ku eedaysana way  xidhan yihiin.”

Yaasin Yuusuf Muxumed waa mulkiilaha iyo dirawalka baskan shalay la bakhtiiyay waxaanu sheegay in baabuurkiisa la gubay uu u aaneynayo cidii labadii ka horeeyay gubtay . “Baskayga labadii gaadhi ee hore wixii gubey uun baa gubay, arrintani waa mid ku cusub istaankayaga waana todobaadkan ugu danbeeyay uun,”Ayuu yidhi , waxaanu intaas ku ladhey “Markaa waxaan leeyahay dawlada arrintan hoos u eega oo wax ka qabta, si deg dega arrintan haw baadho, istaannada kale nalama qaban ee waa istaankayaga oo kaliya”

Dhacdadani waxay cabsi ku abuurtay gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan istaanka basaska Jig-jiga yare e ku yaala agagaarka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaanay keentay in dirawaladu ay ka degi waayaan baabuurtooda inta fursadoodu ay gaadheyso.

In kasta oo ciidanka Boolisku ay gacanta ku hayaan baadhista kiiskan naadirka ku ah dalka islamarkaana ay arrintan u xidhan yihiin dad aan tiradooda la sheegin, hadana ciidanka Boolisku kamay hadal cabsidan soo wajahday gaadiidleyda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply