Dheemantii Ugu Weynayd Adduunka Oo La Kala Iibsaday

0
398

Guddoomiyaha shirkadda Graff Diamonds ayaa iibsaday dheemantii ugu weynayd adduunka, isaga oo siistay lacagtii ugu badnayd ee abid wax lagu kala iibsado, sida lagu daabacay wargeysa Telegraph oo uu wargeysa Dawan ka soo xigtay qormadan.

Dheemankan ayaa lagu kala iibsaday magaalada London ee cariga Ingiriiska, iyada oo la kala siistay lacag gaadhaysa $53 Milyan oo Dollar, taas oo ka dhigtay iibkeeda kii ugu qaalisanaa ee wax lagu kala iibsado .

Dheemankan ayaa lagu sheegay inuu noqday dheemankii labaad ee ugu weynaa laguna kala iibsado abid adduunka, sida warbixinta lagu sheegay , waxaana kala iibsigiisu socday muddo bilo ah oo uu suuqa yiilay.

Dheemankan ayaa laga keenay wadanka Bostowana , waxaana dalkaasi kasoo qaaday shirkad laga lee yahay wadanka Kanada, waxaana shirkaddaasi lagu magcaaabaa  Lucara Diamond Cord, iyada oo soo qaaday dheemankaasi muddo laga joogo laba sanno.

Dheemankan ayaa lagu magcaabaa Lesedi La Rona , kaas oo macne ahaan noqonaaya Ilayskeenii marka loo eego afka Tswana oo ah afka lagaga hadlo dalkaasi Botswana oo kamid ah wadamada Dheemanka hodanka ku ah ee Afrika.

Dheemankan ayaa ah mid saafi ah oo si toos ah wax looga dhex arki karo, waxanu u samaysan yahay hab dhululubo ah ,isaga oo aan u baahnayn wax sifayn iyo baadhitaan kale ah.

Waxaanu noqday dheemanka adduunka ugu weyn , sidoo kalena waxa uu noqday dheeman ceedhin kii ugu weynaa ee waqtigan la helo, sida lagu sheegay warbixinta uu soo saaray Laurence Graff.

 

Leave a Reply