Muuqaalka Guud Haku Dagmin!

0
388

Maalin ayay lamaane xaas ahi booqasho ku tegeen beerta xayawaanka lagu xanaaneyo si ay u soo daawadaan.

Gabadha Xaaska ah ayaa aragtay Daayeer lamaane ah oo wada ciyaaraya, waxayna tidhi “Aad bay isu jecel yihiin , maxaa kal gacal ka dhexeeya?”.

Markii ay dhinaca kale u  soo wareegeena waxay  aragtay Libaax iyo goosha oo laba meelood kala fadhiya oo labaduba aamusan isla markaana aad moodo inay isu cadhoonayaan, waxayna mar kale eryo ku cabirtay muuqaalka iyadoo tidhi :” Maxaa meeshan Muruga ka dhacday ! ”.

Intaasi ka dibna Odaygeeda ayaa ku yidhi “ Soo qaado quraaradan oo iska dhig mid ku tuuraysa dhanka Goosha ka dibna eeg waxa dhaca ” , markii ay sidaasi samaysay ayuu  libaaxi intuu u soo cararay dhinaca Goosha aad u qayliyay oo doonayay inuu isaga dhigo quraarada, si uu uga difaaco. Waana uu isku hareereeyay difaaceeda awgeed.

Haddana sidan oo kale ku samee Daayeerka ayuu ku yidhi odaygeedu , sidii ayay haddana samaysay markaasi ayuu Daayeerkii ninka ahaa ka cararay xaaskiisa isaga oo ka baqanaya in Quraaradu ku dhacdo.oo aan dan ka gelin Dayeerada.

 

 

Leave a Reply