Madaxweynaha Somaliland oo Dardaaran Waayeelnimo u Jeediyay Dufcadii 16-aad oo ka Qalin-jabisay Jaamacadda Golis

0
347

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (SiIlaanyo),  ayaa shalay  ka qaybgalay xaflada qalinjebinta dufcadii 16aad ee Jaamacadda Golis ee magaalada Hargaysa oo tiradoodu dhammayd 1283 arday oo dhammaystay waxbarashada heerka koowaad iyo labaad ee Jaamacadda.

 

Xafladaas oo ahayd mid si weyn loo maamuusay ayaa waxa madaxweynaha ku wahelinayay wasiirro kamida xukuumadda, guddomiyeyaasha hay’adaha dawladda, guddoomiyaha maxkamadda sare, madaxda axsaabta qaranka iyo aqoonyahanno tiro badan oo munaasibada goobjoog ka ahaa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ku hambalyeeyay dedaalka dheer ee ay ardaydan qalinjabisay u soo galeen inay wax bartaan.

“Mudanayaal iyo marwooyin Waxa sharaf weyn bay ii tahay in aan idinkala soo qaybgalo xafladda qalin-jebinta dufcadii 16aad ee jaamacadda Golis.  Waxaan hambalyaynayaa ardayda maanta ka qalin jebisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Golis Hargeysa, sidoo kale waxaan ammaan iyo hambalyo u dirayaa waalidiinta da’yartan kusoo tacabtay iyadoo cidkasta oo gacan ka gaysatay ay guushan gaadheen.

Dhinaca kale anigoo ka faa’iidaysanaya munaasibadan qiimaha badan, waxaan jecelahay in aan halkan bogaadin uga jeediyo guddoomiyaha, guddomiye-kuxigeenka madaxda iyo macalimiinta jaamacadda golis dadaalka iyo horumarka ay ku talaabsadeen muddadii ay jaamacaddu jirtay,” ayuu yidhi Madaxweyuhu.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxaan hoggaamiye ahaan qirayaa in jaamacadda Golis ay door weyn ka qaadatay tayaynta waxbarshada dalka islamarkaana ay xaqiijisay is-beddel mug iyo miisaan leh muddadii ay jirtay waxa muuqata inaad gaadheen in badan oo kamida himilooyinkiini aad hiigsanayseen. ugu danbayn waxaan leeyahay ardayada qalin-jebisay inkasta oo aad shahaadooyin maanta qaadateen haddana waxa xaqiiq ah inaad badweyntii cilimiga aad bilawdeen .

Ducaqabayaal  Cilmigu waa bad bilaa deked ah oo aan lahayn bar uu ku dhammaado sidaa darteed waxa idinla gudboon inaad dedaalka waxbarshada halkaa kasii wadaan oo aydaan ka daalin. Waxaan idinku dardaarayaa, in aad u yeelataan halganka aqoon raadinta sabir iyo adkaysi, si aad u gaadhaan maqaam aad u sareeya.Waxaan ku Kal-soonahay, in aad hibo u leedihin hal-abuur iyo himilo fiican, oo aad ku gaadhi kartaan horumar weyn, isla markaana aad dalkiina hooyo wax tari kartaan.”

“Duca-qabayaal, Guntii iyo geba-gebadii, waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun-xun, ee afeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, taariibta, dal nacaybka iyo balwadaha. Dhammaanteen, ummad ahaan, waxa inala gudboon, in aynu gacmaha is-qabsano, una midowno ilaalinta nabadgelyada iyo danta guud ee qarankeena, si aynu u gaadhno bash-bash iyo barwaaqo. Eebaa Gallad Leh, Gobannimana shacbigaygaa Leh, Guuleysta,,   Guuleysta,,    Guuleysta,”ayuu hadalkiisii ku soo gabogabeeyay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Guddoomiyaha guud ee jaamacadda Golis Dr. Siciid Axmed ayaa faahfaahiyay  korodhka ardayda jaamacadaha dhigta iyo sidoo kale halka ay gaadhsiiyeen aqoonta ardayda jaamacadda waxaanu sheegay Guddomiyuhu in waxbarashada Somaliland marayso halkii ugu saraysay isagoo si weyna ugu mahad celiyay xukuumada kaalinta ay ka qaadato dhiirigelinta waxbarashada sare ee waddanka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare, guddomiyaha hay’adda shaqaalaha iyo masuuliyiiin badan oo xafladda hadallo kasoo jeediyay ayaa dhammaantoodba ka warramay  muhiimada ay aqoontu u leedahay aadamaha iyagoo ardaydana ku waaniyay inay waxbarashada sii wataan.

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo khudbad dheer ka jeediyay madasha qalin-jebinta ardayda jaamacada Golis ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland itaalkeedii dul dhigtay tayaynta iyo kor u qaadida  waxbarshada dalka, wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne SiIlaanyo wax weyn ka qabtay horumarinta waxbarashada iyo tayaynteedaba.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply