Marwadda Koowaad oo Iftiimisay Ahmiyada Doorashada Madaxtooyadu ugu Fadhido Jamhuuriyadda Somaliland

0
341

Hargeysa(Dawan)- Marwada Kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa daboolka ka qaaday  in madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ka go’an tahay in doorashada madaxtooyadu waddanka uga qabsoonto si xalaal ah oo daah-furan, waxaanay sheegtay inay saaran tahay masuuliyad ka culus xiligii uu 80ka cod kaga tagay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday sannadkii 2003dii.

 

Waxaanay sheegay inaanu madaxweynuhu aqbali doonin cid carqaladeysa doorashadan oo ay xustay inay Somaliland u leedahay ahmiyad weyn. Marwada koowaad waxay sidaas  ku sheegtay qaybtii labaad ee waraysi dheer oo ay habeen hore siisay Wargeyska Dawan, waxaanay qaybtan labaad kaga hadlaysaa arrinta doorashada iyo dareenkeedii dharaartii madaxweyne Siilaanyo ku wargeliyay inuu ku biirayo ururkii SNM ee horseedka ka ahaa halgankii dib-u-xoraynta Somaliland.

 

 

Marwada oo ka jawaabaysay  siday ugu muuqato  doorashada madaxtooyada oo gunaanad u ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay ku jawaabtay; “Doorashadan madaxtooyada ee 13ka November loo dareerayaa waa doorasho  qiimo badan ugu fadhida qaranimada iyo  dimuqraadiyada Somaliland. Madaxweyne Axmed Siilaanyo-na isagaa majaraha haya, waxaanu mar walba ka fikiraa danta guud.Masuuliyad culus oo kaga adag  xiligii uu 80ka cod kaga tagay doorashada ayaa saaran. Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu  qabto doorasho xor ah oo daah furan oo cid waliba ku qanacsan tahay, mana ogolaanayo wax carqaladeeya doorashadan,”ayay tidhi marwada kowaad, iyadoo hadalkeeda sii watayna waxay tidhi; “Madaxweynuhu xisbigiisu inuu helo ayuu jecel yahay, xisbigiisuna sida uu ku helayaa maaha wax baa loo xadayaa, Kulmiye-na wuxuu  wax ku helayaa wax-qabad. Waxa kaloo uu wax ku kasban karaa  wixii uu  qabtay  toddobadii sannadood ee la soo dhaafay.Waxa  cad dawladihii Somaliland ee xukuumadda KULMIYE ka horreeyay wixii ay qabteen iyo todobadan sannadood intii  la qabtay ayaa ka badan intii hore loo qabtay.”

 

 

 

 

Marwadu waxay caddaysay  inaanu madaxweynaha Somaliland aqbali doonin in dhinacyada tartamayaa ay diidaan natiijada ka soo baxda doorashada, waxaanay tidhi;  “Waxaannu  qabnaa shacabka Somaliland waa dad kii ganay iyo ka galaday kala og. Inuu si xor iyo  xalaal ah  Kulmiye ku helo  doorashada ayuu madaxweynuhu  jecel yahay, Kulmiye haddii laga helo oo xor iyo xalaal lagaga helana raali ayuu ku noqonayaa. xisbi mucaarida oo yidhaahda annagaa helay ee waa nalaga shubtay oo dalka burburiya madaxweyne Axmed Siilaanyo inta uu joogo ka yeeli maayo. Illaahay baynu baryaynaa inuu inala garab qabto doorashadan aynu si fiican oo xalaala u tartano.

Somalilandna waxa lagu yaqaanaa isu tanaasul iyo is dhegaysi Axmedba wuxuu  kaga tegay 80 cod. ninka mucaaridkow haddii aanu kaa helo noo hanee, haddii aad heshana waanu kuu hanaynaynaa.”

Marwo Aamina Waris waxay sheegtay in go’aan adayga madaxweyne Siilaanyo ay ka mid tahay markii uu murrashaxnimada madaxtinimada xisbalxaakimka u xulay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanay xustay in qaraarkaasi ahaa mid aad adag maadaama oo siyaasiyiintii tartamaysay ay dhammaantood ahaayeen qaar karti lahaa, hase yeeshee go’aankaas kadib lagu dabofaylay murrashax Muuse Biixi.

 

Marwada oo la weydiiyay siday u aragtay maalintii uu Axmed Siilaanyo u soo bandhigay inuu ku biirayo SNM waxay tidhi;  “Markii uu London ka tagayay  umuu tegin inuu noqdo Guddoomiyaha SNM, waxaa uu u tagay shirkii golaha dhexe waxaan is lahaa muddo maalmo ah  ayuu ku maqnaanayaa. markaa Ibraahim Maygaag ayaa soo noqday Axmedna (Madaxweynaha)  markii loo doortay guddoomiyihii SNM maan diidanayn  in uu halganka ka qayb qaato, balse  carruurta ayaan u werwerayay. Wuxuu  Ibraahim Maygaag oo Maraykanka  ku socda ayuu waraaq dheer iigu soo dhiibay, waraaqdaasi ayaanu Axmed igaga dhaadhiciyay oo uu yidhi ‘ha ka xumaanin inaan maqnaado, sababto ah waa waajib ina saaran halgankii.’ Aniguna waan la qaatay.”

La soco cadadka Sabtida ee wargeyska Dawan, qaybo kale oo xiiso badan oo  marwadu kaga hadlayso qodobbo xasaasi ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply